Guddoomiyaha Golaha Wakiilada Somaliland oo Kulan la Yeeshay Wasiirka Koobaad ee Wales

0
121

 

Wales (Dawan);- Gudoomiyaha Golaha Wakiilladda JSL Mudane Prof Yaasiin Madamuud Xiir (Faratoon), ayaa shalay  kulan la yeeshay Wasiirka 1aad ee Wales Mr Vaughan Gething oo dhawaan loo doortay hogaaminta Wadankaas oo katirsan dalweynaha Boqortooyada Uk .

Kulanka ay wada yeesheen Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland iyo Hoggaamiyaha Wales,ayaa lagaga wada hadlay xidhiidhka Wales UK iyo Somaliland,waxaanaa la isla lafo guray meelaha ay iska kaadhan karaan Somaliland iyo Wales UK.

sidoo Kale wuxuu gudoomiyuhu ugu hanbalyeeyey Xilkaas dhawaan Loo doortay .

kulanka waxaa kasoo shaqeeyey qabsoomidiisa Xildhiban Siciid Ibraahim Iyo Gudoomiyaha Jaaliyada Somaliland Ee Wales Mr Siciid Ibraahim.