Hargaysa oo Lagu Qabtay Madal Lagu Naaqishayo Xeerka Hawl-gabka iyo Xaq-siinta Shaqaalaha Dawladda

0
58

Hargaysa (Dawan) Magaaladda Hargaysa waxaa lagu qabtay madal ay soo agaasimeen guddida arrimaha bulshada golaha wakiilada Somaliland,kaasi oo lagu naaqishayay Xeerka hawl-gabka iyo xaq-siinta Shaqaalaha Dawladda.

Guddida Arrimaha bulshada ee golaha wakiilada Jamhuuriyadda Somaliland ayaa Kulan Is barasho iyo is xog-wareysi ku

saabsan naaqishada Xeerka Hawl-gabka iyo Xaq-siinta Shaqaalaha Dawlada ku Qabatay Hotel Casood.

Kulankan oo hogaaminayey Gudoomiyaha Hay’adda Shaqalaha Dawlada Mudane khalid Jaamac Qodax ayaa ka warbixiyey ahmiyada uu Xeerku u leeyahay dhammaan shaqaalaha dawlada khaasatan shaqaalah Hawl-gabka noqday, sidoo kale Agaasimaha Hay’adda shaqalaha ayaa soo jeediyey hadalo Faahfaahsan oo khuseeya Mabaadida xeerka Hawl-gabka iyo Xaq-siinta shaqalaha dawlada.

Dhanka kale guddida arrimaha bulshada oo Hogaaminayo gudoomiyaha Guddida Mudane Ahmed-khaliif Jamac Saalax iyo gudoomiye ku xigeenka Axmed Cabdi Ducaale Walhad ayaa Su’aalo khuseeya Xeerka Hawl-gabka iyo Xaq-siinta Shaqalaha Dawlada weydiiyey gudoomiyaha Hay’adda shaqalaha iyo masuuliyiinta kale Hay’adda shaqaalaha Dawladda.

Gabogabadii waxa laysla qaatay in si qoto dheer looga shaqeeyo Xeerkan oo ah mid waxtar u leh dhammaan Shaqalaha dawlada JSL isla markaana lasii wado wada shaqeynta ka dhaxeysa labada dhinac

Kulankan waxa Hay’adda Shaqaalaha dawladda uga soo qayb galay xubno badan oo kala ah

1- Khalid Jama Qodax

2- khalid mirre

3- Roble Mahamed

4- Suleiman Maygag

5- Abdirahman Ali Hirsi

6-Abdisalam

Guddida arrimaha bulshada golaha wakiilada Somaliland iyo Hay’adda shaqaalaha Dawladda ayaa ka wada shaqaynaya Xeerka hawl-gabka iyo xaq-siinta shaqaalaha Dawladda