Dowladda JSL oo ka Hadashay Cidda Dishay Marxuum Cabdinaasir Dahable

0
55

Hargeysa (Dawan) Xukumadda Somaliland ayaa ka hadashay Dilkii Cabdinaasir Muuse Dahable iyo dhallinyaro reer Somaliland ah oo lagu jidh dilay Muqdisho.

Xukuumadda Somaliland ayaa sheegtay in masuuliyiin ka tirsan Soomaaliya ay ka dambeeyeen dilkii ALLE ha u naxariistee Cabdinaasir Muuse Dahable, iyadoo sheegtay inay tallaabooyin qaadi doonto haddii la soo dayn waayo dhalinyaro reer Somaliland ah oo la sheegay in lagu jidh dilay Muqdisho.

Sidoo kale xukuumada  JSL, ayaa Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ku eedaysay in uu amray dilka aqoonyahan Cabdinaasir Muuse Dahable oo Xamar lagu dilay bishii February ee sannadkan.

Wasiir ku xigeenka arrimaha Guddaha Cabdillaahi Xuseen Maxamed, ayaa sheegay in dilka Cabdinaasir uu amray Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ku eedeeyay in uu adeegsaday saraakiil ka tirsan Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo Hay’adda Sirdoonka ee NISA.

Waxa uu sheegay in baadhis ay sameeyeen ay ku ogaadeen cidda dilka gaysatay isaga oo sheegay in 7 nin oo budhcad ah loo adeegsaday dilka Dahable.

“Amarka waxa bixiyay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, kaas oo laamihiisa amniga amar ku siiyay inay arintaasi tallaabo deg deg ah ka qaadan, oo ninkaas la waayo, waxa uu amarka ku siiyay maareeyaha madaarada ee Koonfurta iyo madaxii NISA, labadaas ayuu amar deg deg ah ku siiyay inay tallaabo deg deg ah qaadaan, oo ay dilka geystaan, nagamana qarsoona, godobtayadu halkay taallana waanu garanaynaa, waxaana fuliyay maareeyaha duulista iyo hawada iyo madaxii NISA.

Toddoba nin oo kale ayay u direen kuwaas oo guriga galay, ee iyaguna dibedda u taagnaayeen iyagana magacyadooda waanu haynaa, xogta baadhistii wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland sameysay waataas”

Wasiir ku xigeenku isaga oo hadalkiisa sii wata waxa uu intaas ku daray “Madaxda Dowlada Federaalka ee Soomaaliya waxay leeyihiin dhaqan mujrim, waxa aynu ka warhayna in danbiilayaasha dadka laaya lasii daayo, kadibna dad kale oo masaakiin ah oo kasoo jeeda Baydhabo, Jilib ama Shabeelada Hoose ayaa la soo qabtaa oo lagaga hadliyaa”

Dhinaca kale, waxa uu ka hadlay dhallinyaro 5 ah oo Muqdisho ugu xidhan dilka Dahable, kuwaasi oo dhawaan la sheegay in jidhdil loo gaystay, isaga oo sheegay si arxan daro ah loola dhaqmay.

Waxaanu yidhi. “Waxa aanu ogaanay in 5 tii inan ee Cabdinaasir la shaqaynayay in ay maalin walba xiniinyaha kalbad kaga qabanayaan, oo cidiyaha ka saarayaan, oo dhagaha kaga qabanayaan, oo ay figaynayaan”

Dowlada Soomaaliya ayaa hore u sheegtay in ay baadhis ku hayso dilka dahable, iyada oo xabsiga la dhigay qaar kamid ah dhallinyaradii ay isku shaqada ahaayeen Dahable.