Xukuumadda Somaliland oo Beesha Farriin u Dirtay

0
62

Hargeysa (Dawan) Somaliland ayaa beesha caalamka ka codsatay in lacagaha deeqaha ah si gaar ah loo siiyo, oo aan loo soo marin dowlada Soomaaliya.

Waraaq ay Wasaarada Qorshaynta Somaliland la wadaagtay waddamada deeqda bixiya, ayaa lagu sheegay muhiimada ay leedahay in la sameeyo dariiqyo ay beesha caalamku si gaar ah ugula macaamisho Somaliland.

Waxaana lagu yidhi.”Annaga oo aqoonsan taageerada ayna siiyaan saaxiibaday, waxaanu hoosta ka xariiqaynaa muhiimada ay leedahay iyo baahida loo qabo in Somaliland si toos ah loola shaqeeyo, iyada oo loo marayo dariiqyo rasmi ah oo waafaqsan xeerarka caalamiga ah ee mucaawinada”

Waxa warqada lagu sheegay in loo baahanyahay in gargaarku uu noqdo mid kor loogu qaadayo nolosha dadka, iyada oo aan loo eegayn fikirkooda siyaasadeed, isla markaana, ay jiraan waddamo badan oo aan la aqoonsanayn oo si toos ah u hela deeqaha.

Gaba-gabadii Somaliland waxay ka mahad sheegatay taageerada ay ka hesho waddamada deeqaha bixiya, waxayna sheegtay in ay rajaynayso in ay sii kordhiyaan wada shaqaynta ay leeyihiin.