Wasiirka Gaadiidka oo Bariga Ceerigaabo ka Dhagax Dhigay Waddo Xidhiidhisa Dagmooyinka Yubbe iyo Ceerigaabo

0
59

Ceerigaabo (Dawan) Wasiirka wasaaradda gaadiidka iyo horumarinta Jidadka Somaliland, Mudane Raabi Cabdi Maxamed ayaa Bariga magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag,   ka dhagax dhigay Waddo xidhiidhisa Dagmooyinka Yubbe iyo Ceerigaabo.

Sidoo kale wasiirku waxa uu sheegay in jidkan oo gaadiid badani isticmaalo uu qayb weyn ka qaadan doono koboca dhaqaalaha magaalooyinka Ceerigaabo iyo Yubbe.

Geesta kale waxa uu bulshada degaanka Yubbe ka codsaday in ay ka qayb qaataan dhismaha jidkaas, waxaanu ku boorriyay inay soo bixiyaan dhaqaalaha la rabo in lagu dhiso, waxaau faray in ay sameeyaan guddiyo ka arrimiya dhismaha jidkaas.

Waxaanu yidhi.“Waxa ILLAAHEY mahadii ah in aanu manta(shalay) dhagax dhigeyno waddo dhinaca bari uga baxaysa magaalada Ceerigaabo ee xarunta gobolka Sanaag, jidkan magaca aan u bixinaya waxa uu yahay isku-xidha.

Anaga oo ku shaqaynayna siyaasada xukuumadda xisbiga talada dalka haya ee KULMIYE, waxa aanu isla garanay in laga shaqeeyo jidka isku xidhaya Ceerigaabo iyo Yubbe, lana dhiso, lana sameeyo, marka danbena illaa Dhahar illaa Badhan meeshii la gaadhsiinkaraba waanu gaadhsiin doona, haddii ILLAAHEY yidhaahdo, balse hadda waxa weeye Ceerigaabo iyo Yubbe, dhismaheedana sida ugu dhakhsaha badan ayaanu u bilaabaynaa.

Jidadku waa Kaabayaasha dhaqaalaha kuwooda ugu muhiimsan, jidkan gaadiidd badan ayaa mara, ganacsi badan ayaa magaalada ka soogala, haddii la hagaajiyana way ka siibadanayaan, mar haddii ganacsiga iyo socodku batana magaaladu way koraysaa, dhaqaalaha ayaa koraya, wax walibana way fiicnaanayaan, marka ILLAAHEY waxa aan ka rejeynayna in ay inoo suuragasho, waxaan soojeedinaya in bulshada gobolka Sanaag dhismaha jidkan qayb ka noqdaan, oo aanay xukuumadda oo kaliya  ku halayn, bixiyaana wixii kaga qayba dhaqaalaha lagu dhisayo jidkan, odayeynta, ilaalinta, wax walba in aad qayb ka noqotaan ayaa la doonaya haddii ALLE yidhaahdo, in loo sameeyo guddi sida ugu dhakhsaha badan uga hawsha jidkani, Jaaliyadaha dibedda la hadashaan, la bilaabo ururinta dhaqaalaha jidkani,”

Gaba-gabadii odayaashi, waxgaradkii iyo nin garboodkii degaanka Yubbe ayaa siweyn u soo dhaweeyay dhagax dhiga dhismaha jidka isku xidhi doona Ceerigaabo iyo Yubbe.