Suldaan Madaxweynaha iyo Komishanka ku Boggaadiyay Muddaynta Doorashooyinka

0
56

Hargeysa (Dawan) Suldaan Maxamed Suldaan Axmed Suldaan Cabdiraxman, oo ka mid ah madax dhaqameedka reer Somaliland, ayaa ugu baaqay  dhammaan masuuliyiiinta xisbiyada Qaranka in ay qorshadooda doorashada ku darsanaan guul iyo guur daraba, si ay ugu fududaato aqabalida natiijada ka soo baxda Komishanka doorashooyinka ee ku dhawaaqista cidda guulaysatay.

Dhinaca kale waxa uu Suldaan Maxamed hambalyo iyo boggaadin u diray Komishanka Doorashooyinka Qaranka, ee  soo saarista jadwalka doorashada iyo cayimaada wakhtiga ay qabsoomayso doorashadu, waxaanu ugu duceeyay in inta hadhayna uu ILLAAHEY la qabto.

Sulaanka ayaa sidoo kale boggaadiyay Madaxwaynaha Somaliland Muuse Biiixi Cabdi, oo muddo afar iyo labaatan saacadood ah kaga jawaabay wareegtada guddida doorashooyinku ku cayimeen wakhtiga doorashada oo uu madaxwaynuhuna dhaqan galiyay, waxaanu sheegay inay tahay talaabo mudan in la bogaadiyo.

Gaba-gabadii Suldaan Maxamed Suldaan Axmed,  ayaa bulshada reer Somaliland ugu baaqay inay meel uga soo wada jeestaan ilaalinta nabadgelyadda, iyo sugid amniga, madaama oo la galayo wakhti xasaasiya oo lagu jiro doorashooyin, waxaanu u soo jeediyay inay gacan kaga jawaabaan ciddii ay arkaan ee nabadgelyadda wax yeelaysa, qof kastaana dhankiisa uu ciidan ka noqodo.