Nuxurka Kulan Dhexmaray Maareeyaha Dekeddaha JSL iyo Daneeyayaasha Ganacsiga Dekeda

0
57

Berbera ( Dawan) Maareeyaha Dekedaha Somaliland Eng Siciid Xasan Cabdilaahi ayaa kulan la qaatay dhammaan daneeyayaasha ganacsiga Dekedda Berbera.

Kulankaas oo ay  ujeedadiiisu daarranayd, in laga wada hadlo laguna falanqeeyo caqabadaha haysta ganacsatada badeecadaha kala soo degta Marsada Berbera iyo sidii loo xalin lahaa caqabadahaasi.

Kulanka ayaa bil kasta lagu gorfeeyaa arrimaha la xidhiidha daneeyayaasha ganacsiga Marsada Berbera iyo wixii ay caqabad la kulmaan iyo qaabkii loo halin lahaa.

Kulankan muhiimka ahaa ee ay qaateen daneeyayaasha ganacsiga Dekedda Berbera iyo Maareeyaha Dekedaha Somaliland ayaa ujeedadiisa waxa ka warbixiyay Siciid Xasan Cabdilaahi oo qoraal ka soo saaray waxaanu qoraalkaasi u dhignaa sida tah:-

 

“Waxa noo qabsoomay kulan bil walba dhammaadkeeda aannu u qabano dhammaan daneeyayaasha ganacsiga Dekedda Berbera, kulankan oo aannu ku falanqayno kuna xalino caqabadaha haysta ganacsatada badeecadaha kala soo degta Dekedda Berbera.

Kulanka waxa igu wehelinaayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda H.Maaliyadda, Mudane Maxamed Xuseen Cismaan (Mu’adinka), Maamulka Kastamada, Maamulka Kastamka Berbera, Isuduwayaasha W.Ganacsiga iyo Hay’adda Dhawrista Tayada gobolka Saaxil, Maamulka Dallada SOFFA iyo xubno ka socday shirkadaha Clearance and Forwarding ka shaqeeya”.