Wasaaradda waxbarashada oo Bulshada Baraysa Erey-bixinta Af-Soomaaliga

0
48

Hargeysa (Dawan) Wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland ayaa muddooyinkii u danbeeyay ku hawlaneyd inay bulshada la wadaagto eray bixino kala duwan, kuna saabsan afkeena Hooyo.

Eraybixinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland la wadaageysay bulshada, ee ay ku baahinaysay barteeda Facebook, ayaa  maalmaha toddobaadka kuwaas oo aynu innagu u adeegsano luuqada Afka Carabiga.

Haddaba maalinta Sabtida afkeena hooyo marka la eegayo waa Sooroga, Axad, waa Koomin, Isniin waa Labin, Salaasa waa Lamatooka, Arbaca waa Koodaar, Khamiis waa Hakisa,   Jimce waa Hakis bila.

Sidoo kale eray bixinta wasaaraddu sida maalinlaha ah u soo gudbiso waxa ka mid ah bilaha sannadka, toddob waa bisha koobaad ee sannadka inta badan bulshadeenu waxa ay u adeegsadaan Jeenawari, Xays waa Feebarwari, Diraac, waa Maarij, Seermoweydo waa April, Candho-qoys waa May, Gu’yar waa Juun, Xagaa-cadde waa Juuley, Xagaa-madoobe waa Ogost, Karan waa Sibtambar, Dambarsame waa Oktobar, Deyr-halalood waa Noofamber, Dallaalo waa December.