Cisbitaalka Guud ee Magaalada Hargeysa oo ka hadlay Tirada u Dhimatay Xannuunka Shuban-biyoodka iyo inta uu soo ritay

0
56

Xubinta koowaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona, warbixin uu cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa ka soo saaray xanuunka Shuban-biyoodka.

Cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, ayaa qoraal uu ku baahiyay Facebook, ku sheegey in 2 qof ay u dhinteen xannuunka shuban biyoodka, waxaaney xuseen in 65 qof oo qaba xannuunka Shuban biyoodku ay soo gaadheen cisbitaalka.

Sidoo kale cisbitaalku waxa uu sheegay in shan iyo lixdan  qof sideed iyo sodon qof ay haween yihiin, halka 25-ka kalena ay rag yihiin .

Qoraalkan ka soo baxay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, oo lagu baahiyay bartooda xidhiidhka bulshada ee Facbook ayaa u dhignaa sidan.

Laga soo bilaabo bishii saddexaad ee Maarij, ee sannadkan 2024 waxa cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa, soo gaadhay   65 Bukaan oo qaba ama laga helay xannuunka Shuban biyoodka.

65 qof 38 kamid ahi waa Dumar, halka 25kamid ahi rag yihiin, isla markaana tirada ilaa hadda xannuunkaasi u dhimatay waa laba qof.

Waxaanu bulshadayada u sheegaynaa inay ku dedaalaan nadaafada biyaha iyo cuntada ay cunayaan, inay Faraxashaan Cuntada ka hor iyo Musqusha kadib iyo In qofkii Shuban badan isku arkaa uu hore u gaadho Goobaha Caafimaadka