Shaqooyinka Muhiimka ah ee ay Kalyuhu Qabtaan iyo sida loo Ilaaliyo Caafimaadkooda

0
40

Xubinta labaad ee barnaamijkeena caafimaadka toddobaadkan waxa aynu ku soo qaadan doona shaqooyinka mihiimka ah ee ay labada Kelyood u qabtaann qofka iyo sida caafimaadkooda loo ilaaliyo.

Caafimaadka Kalyaha.

Kalyaha waa laba xubnood oo u eg qaabka digirta cascas, waxay ku yaalaan qaybta danbe ee ubucda.

Kelyaha iyo uurkujirta kale waxaa kala saara ama u dhaxeeya xuubka loo yaqaan beritoniyam kaasoo ah xuubka ku dahaaran ama ku wareejisan xubnaha loo yaqaano uurkujirta.

Cabirka kelidiiba waxaa lagu qiyaasaa inay tahay 5inch, Kelida bidix ayaa ka sareysa kilada midig sababtuna waa in beerku uu u badanyahay dhanka midig oo uu boos badan kaga fadhiyo qaybta kore ee ubucda.

Badhtamaha gudaha u xoodan ee killi walbaa waxaa isagu yimaada ama ay ka koobantahay qaab dhismeedyo kala duwan sida, xiddidada kelyaha iyo kanaalka ka qaada kaadida ee loo yaqaano ureter, kelyuhuna waxay jidhka u qabtaan shaqooyin aad mihiim ah, waxaana ka mid ah inay.

In jidhka ay kasaaraan wasaqda, Beerka ayaa burburiya borotiinka aynu quudano si aan uga helno tamar, burburintaas kadib waxaan ka helnaa tamar iyo walax sun ku ah jidhka oo loo yaqaano Ammonia, isla beerka ayaa u badala walaxdaan sunta ah uric acid iyo urea kuwaasoo heerkooda sunta uu yaryahay.

Sidaa si lamid ah murqaheenu waxay isticmaalaam borotiinka loo yaqaano creatine si aan u helno tamar waxaana habkaan ama dhamaadka habkaan la socda walax wasaq ah oo oo loo yaqaan creatinine.

Ammonia, uric acid, urea iyo creatinine waxaa lagu daraa dhiiga taasoo killidu ay filter garayso kana saarto jidhka qaab kaadi ah, waxa  jira cadad urea ah oo dhiiga ku jira mana ahan mid sun ah.

Kellidu waxay  sifeysa  dhiiga iyadoo ka saaraysa wasaqda waxayna ugu dib ugu celisaa isla dhiiga macaadiinta aan u baahanahay ee la sifeeyay, sidoo kale waxay soo daysaa dheecaano ama hormoono ka qabta jirka shaqooyin kala duwan.

Kellidu waxay kontorooshaa biyaha aan u baahanahay inay jidhka ku jiraan ama laga saarayo, waxaya dhexyaal u tahay isu dheelitirka dareeraha jidhku u baayahanyahay

Isu dheelitirto Asidka iyo baseka jidhka oo ah laba maado uu ubaahan in si weyn loo xakameeyo si dhiiga uu ushaqeeyo

Kelyuhu waxay qayb wanaagsan ka qaataan kontoroolida cabirka dhiiga, macdanada jidhkeennu u baahanyahay ayay isku dheelitirtaa waxayna masuul katahay inay jidhka dib ugu celiso macdanada uu u baahanyahay.

Xanuuno badan ayaa saameeya Kalyahu kuwaasoo qaarkood ay noqon karaan khatar aad u sareysa, caafimaadka kalyaha oo la ilaaliyo ayaa muhiim u ah shaqada jidhka maadaama ay boos aad muhiim ugu ah kaga jiraan shaqooyinka jirka.

Talo:

Kalyahu waxay inoo hayaan shaqooyin muhiim ah, waxaa wanaagsan inaan ka taxadarno waxyaabaha u keeni kara caafimaad darrada.

Hadii aad isku aragto kilya xanuun waxaa lagama maarmaan ah inaad booqoto dhakhtar caafimaad.

Xigasho Daryeel Magazine