Xumaanta Aad Samayso Way Kugu Soo Noqotaa!

0
46

Markii ay gabadhiisa wada tegeen dukaanka lagu iibiyo hadyadaha dadku isu diraan waxaa uu ku yidhi “Waxaan doonayaa inaad ii doorto hadyada aan hooyaday u geeyo oo dookhaaga ah”.

Gabadha ayaa si hoose cadho u dareentay, laakiin haddana iyadoo dareensiin ayay aqbashay waxaan ay u u doortay Hooyada hadyadii ugu qiimaha jabnayd, muuqaal iyo tayo ahaana ugu liidatay.

Waxaana ay ahayd mid aanay iyadu marna qaadateen oo aanay jeclayn.  Ninkii ayaa uga mahadnaqay xaaskiisa sida wanaagsan ee ay ugu doortay hooyadii hadyad wanaagsan, waana uu u qaaday oo u geeyay hooyadii.

Galabtii danbe ayuu isla hadyadii usoo iibiyay gabadhiisa, waxaana uu ugu keenay guriga isagoo u sheegay inuu iyadana la jeclaaday hadyadii ay u doortay hooyadii, isla markaana u soo iibiyay.

Markii ay aragtay ayay niyad jabtay waxayna isku qoomamaysay haddii aad mid wanaagsan u doori lahayd adigana mid waangsan ayuu kuu keeni lahaa. Xumaanta iyo wanaagga aad samaysaa labaduba way kugu soo noqdaan