Weli Waxay Ku Nool-yihiin Ugaadhsiga !

0
40

Dunida weli qarnigan 21aad waxa jira qabiilooyin badan oo ka go’an oo u nool  sidii bilowga ahayd, kuwaasi oo meelaha kaymaha jiqda ah dhex degan. Qabiilooyinkan intooda badani waxay ku nool yihiin koonfurta America. Haddaba waxa jirta qabiilo lagu magacaabo “Sntelinss” oo aad caan u ah, waxayna qabiiladani ku nooshahay iyadu Qaaradda Aasiya.

Dadka Sentinelese, waxa ay deggan yihiin jasiiradda Sentinel ee Waqooyiga Badweynta Hindiya, sida la sheegay waxa ay degganaayeen jasiiraddan qiyaastii 60,000 oo sano. Bulshadani waxa ay u isticmaalaan nolshooda nidaamka ugaadhsiga, kaasi oo xusuusiya  oo ay ku xasuusiya Waagii Dhagaxa.

Qabiiladani waxay ka kooban tahay sida loo malaynayo tiro yar oo 500 qof, inkasta oo aan wax badan laga aqoon iyadoo sababtu tahay in qof kasta oo isku daya inuu wax ka ogaado ay leeb ku soo ganaan iyagoo aan ogolayn in loo soo dhowaado isla markaana aaminsan inay yihiin cadow.   Kooxo badan  ayaa isku deyay inay wax badan ka ogaadaan qabiiladani kuwaasi oo sawiro ka qaaday  iyagoo adeegsaday dayuurado iyo habab aanay iyagu dareemayn oo dhulka ah.

Qabiiladani waxay ku nooshahay ugaadhsiga iyo midhaha dhirta, Bulshadan koobani  haba yaraate shaqo kuma laha beeraha, wershadaha iyo xataa adeegsiga dabka. Luqdda ay ku hadlaan ayaan weli wax badan lagama garanayo.