Somaliland iyo Itoobiya oo kala Saxeexday Heshiis Cusub

0
104

 

Adis Ababa (Dawan) Dawladaha Somaliland iyo Itoobiya ayaa kala saxeexday heshiis ah in ciidanka Booliska Somaliland lagu soo tababaro dalka Itoobiya si la isaga kaashado dhinaca wax wada qabsiga iyo wax is waydaarsiga.

 

Heshiiskan ayaa daba-socday safar uu dhawaan ku tegay Taliyaha Ciidanka Booliska JSL Sarreeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi (Dabagale), kaasoo kulan la qaatay Taliyaha Ciidamada Booliska Dawladda Federal Itoobiya Komishaneer General Demelashe General Mechiel, sida uu booliisku baahiyay.

 

Warka heshiiskan oo lagu baahiyay barta Facebook-ga ciidanka booliska Jamhuuriyadda Somaliland, ayaa lagu sheegay in ay dhanacyadu gaadheen heshiis ku saabsan tababarada ciidamada booliska, waxaanu u dhignaa sidan.

 

Hoggaanka Tababarka Ciidanka Booliska JSL Gen. Cabdi Axmed Tiir iyo Madaxweynaha Jaamacadda Ciidamada Booliska Dawladda Federal Itoobiya Mesfin Abeba ayaa kala saxeexday heshiis muhiima oo ku saabsan tababarrada labada ciidan boolis.

 

Dadalka Somaliland iyo Itoobiya ayaa leh xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah, kaasi oo ku tiirsan dhinaca dhaqaalaha, isu socodka bulshada, ganacsiga, waxbarashada, caafimaadka iyo xidhiidh xoogan oo cilaacaadka siyaasiga ah, mana aha markii u horaysay ee Ciidan Somaliland ah lagu soo tababaro dalka Itoobiya balse waa xidhiidh wada shaqayneed oo ka dhexeeya labada dalka, si loo wada sugo amniga mandaqada iyo kan labada dhinacba.