Warbaahinta Deutsche Welle oo Warbixin ku Sharraxday Qaddiyadda Aqoonsi Raadinta iyo Nabadgelyada Somaliland

0
100

Hargeysa(Dawan)-Warbaahinta Deutsche Welle ee dalka Jarmalka, ayaa ka hadashay dedaalka ay Jamhuuriyadda Somaliland ugu jirto 30kii sannadood ee la soo dhaafay  in caalamku siiyo aqoonsi caalami ah.

 

Warbixin ay ka diyaarisay JSL idaacada  Deutsche Welle, ayay  ku sheegtay in Somaliland tahay  dal nabdoon oo muddo dheer u halgamaya inuu caalamka ka helo aqoonsi diblomaasiyadeed.

 

Jaamac Muuse Jsamac oo ah khabiir lafo-gura siyaasadda iyo dhaqanka, ayaa sheegay in Somaliland ay ahayd dal ka madax bannaan oo xornimadiisa ka qaatay Ingiriiska 26kii June 1960kii iska markaana ahayd dalkii 12aad ee Afrika ee xornimo qaatay ka hor intii aanay Soomaaliya xoroobin.

Dŕ. Jaamac Muuse wuxuu sheegay in midowgii Somaliland iyo Soomaaliya looga gol lahaa in shantii Soomaaliyeed ay midoobaan, hase ahaatee riyadaasi ay saqiirtay, wuxuuna tilmaamay in Somaliland halgan qadhaadh iyo burbur taliskii Siyaad Barre u geysteen magaalooyinka Somaliland kadib, ay waxgaradkii JSL ay go’aansadeen inay dib ula soo noqdeen madaxbannaanidoodii sannadkii 1991kii.

Dr.Jaamac wuxuu sheegay in Somaliland ay buuxisay shuruudihii looga baahnaa qaran madax-bannaan oo dhan, waxaanu xusay in shan madaxweyne isu beddeleen si dimuqraadi ah.

Waxa kaloo uu caddeeyay in Jamhuuriyadda Somaliland ku dhisan tahay rabitaanka iyo dedaalka nafhurka ah ee shacbigeeda oo iyagu taabogeliyay dawladnimadooda oo aanay caalamku waxba ku darsan.

Sidoo kale, Dr. Jaamac Muuse wuxuu ku dooday in Somaliland ay imikaba cilaaqaad la leedahay dalal badan oo ka tirsan caalamka isla markaana ay wakiillo siyaasadeed ku leeyihiin waddamo badan.

 

Dr. Jaamac wuxuu ku dooday in da’yarta Somaliland oo tirada Somaliland ka ah Boqolkiiba 70 ay ku garaadsadeen Somaliland oo aanay aqbalaynin in Soomaaliya sheegato dalkooda.

Geesta kale Suxufi Itoobiyaan ah oo dhawaan booqasho ku yimid Somaliland ayaa sheegay in nabadgelyo, ganacsi iyo dawladnimo shaqeynaysaa ay ka jirto Somaliland.

Waxa kaloo Suxufigaasi uu sheegay in dadka reer Hargeysa ay jajaban yihiin dhinaca ganacsiga, kuna kalsoon yihiin dalkooda.