Tababar lagaga Hadlayay Badqabta Tallaalka Xanuunka Dabaysha

0
66

Hargeysa( Dawan)Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka  Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye  ayaa soo xidhay tababar lagaga hadlayay  badqabta Tallaalka Xanuunka dabaysha.

Tababarkan oo muddoo shan cisho ah socday ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiinta degmooyinka dalka ee  Tallaalka xanuunka  dabaysha ee Wasaarada Caafimaadka.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Horumarinta Caafimaadka  Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye oo hadal ka jeediyay tababarkasa ayaa kula dardaarmay ka soo qayblayaashii in  ay xoojiyaan Wacyigalinta  tallaalka  dabaysha.Waxaana uu yidhi”Tababarkan aad halkan u joogteen oo  ay ka soo qayb galeen badi shaqaalihii heer degmo  ee Wasaarada Caafimaadka ee Tallaalka xanuunka dabaysha,waxaana tababarkan lagu falanqeeyay sidii kor loogu qaadilahaa oo Carruurta tallaal dhamaystiran oo wax tar leh oo tayadiisa aynu gaadhsiin la hayn,sharaf ayay noo tahay ka Wasaarad ahaan in aan idikala soo qaybgalno tababarkan.Wasaarada waxa ay ahmiyada siinaysaa sidii kor ugu qaadi la hayd xirfada shaqaalaha ka shaqeeya ka hortaga xanuunada,waxana aan idikula dardaarmayaa madaama oo aad tihiin madaxda degmooyinka ee dhinaca  talaalka  in aad xoojisaan wacyigalinta  talaalka,waxaana yoolkeenu weeye in aynu dabar goyno xanuunada talaalada aynu u bixinayno,”.

Sidoo kale Saraakiil  ka tirsan  Hay,adda WHO oo hadalo ka jeediyay halkaa ayaa waxa ay  sheegeen faa,iidada ay leedahay badqabka Talaalka xanuunka dabaysha.