Ganacsatada Suuqyada Hargaysa oo Lagu Wacyi-galiyay la Macaamilka Dadka Qaba HIV/AIDS

0
84

Hargaysa (Dawan) Komishanka xakamaynta xanuunka HIV/AIDS ayaa baraamij wacyigalineed ka fuliyay suuqyada magaaladda Hargaysa.

Barnaamijka Baraarug waa barnaamij wacyigalineed oo loogu talogay in kor loogu qaado wacyiga bulshada ee la xidhiidha xanuunka dilaaga ah ee HIV/AIDS, kaasi oo uu Komishanka xakamaynta AIDS-ku uu ugu talogalay in wax lagaga qabto ogaanshiyo la,aanta xanuunka ee bulshada.

Muddo afar maalmood oo xidhiidh ah ayaa shaqaalaha iyo hawl wadeenada Komishanka xakamaynta AIDS-ku ay ka wadeen suuqyada Hargaysa barnaamij wacyigalineed, kaasi oo lagu baraabujinayo khatarta iyo ka feejignaanta xanuunka HIV/AIDS ganacsatada yar yar ee suuqyada ka xoogsada.

Wacyigalintan ayaa waxa ay daaranayd sidii ganacsatada suuqyada Hargaysa looga digi lahaa dhibaatada xanuunka AIDS-ka iyo in la fahamsiiyo qaabka ugu haboon ee ay ula macaamilayaan dadka la nool xanuunka HIV/AIDS.

Hawl wadeenada barnaamijka baraarug ee Kmishanka xakamaynta AIDS-ka oo ka warbixiyay waciygalintan ay wadeen ayaa waxa ay sheegeen in loogu talogalay in kor loogu qaado fahamka iyo ogaalka bulshada ee la xidhiidha xanuunka AIDS-ka, kaasi oo ay la kulmi karaan kiis la xidhiidha ama qof qaba xanuunka, waxaana lagu wacyigaliyay qaabkii ay ula dhaqmi lahaayeen qofkaasi.

Sidoo kale shaqaalaha Komishanka xakamaynta AIDS-ka ayaa sheegay in ay ganacsatada kala hadleen qaababka lagu kala qaado oo inta badan dadku aanay fahamsanayn, waxaanay sheegeen inay la wadaageen siyaabaha uu qofku cudurkan ku qaadi karo oo aanay ku jirin taabashada oo inta badan ay dadku rumaysan yihiin in lagu kala qaado waxaanay yidhaahdeen

“Waxa aanu mar walba anagu u joognaa sidii aanu uga digi lahayn bulshadayada faafitaanka xanuunka, isla markaana aanu uga digi lahayn inay takooraan dadka xanuunka la nool.

Dhamaantayo waxaanu mar kasta heegan ugu jirnaa Qarankuna waajib nooga saaray, sidii aanu dadkayaga albaab kasta aanu ugu garaaci lahayn, si aanu u fahamsiino xanuunka, fikradaha khaldan ee ay ka aaminsan yihiina xa aanu ka baabi’ino, kuwa wanaasan ee aanu wadnana ugu badelno, sida in guurka hortii ay labada qof is baadhaa iyo in aan la takoorin dadka la nool xanuunka AIDS-ka”