Guddoomiyaha Maxkamadda Sare JSL oo Kutub ka Guddoomay Rugta Dayactirka Kutubta ee Hiil-Qur’aan

0
100

Hargaysa  (Dawan)  Guddoomiyaha  Maxkamadda  Sare  ee  Jamhuuriyadda  Somaliland  Aadam  Xaaji  Cali  Axmed  oo  ay  wehelinayeen  Wasiirka  Wasaaradda  Diinta  iyo  Aw-qaafta  JSL  Sh.  Maxamed  Xaaji  Aaadan  Cilmi  iyo  La  taliyaha  Guddoomiyaha  Maxkamadda  Sare  Dayib  Muxumed  Nuur  ayaa  ka  guddoomay  44  kartoon  oo  Kutub  ah,  Guddoomiyaha  Rugta  Dayactirka  Kutubta  ee  Hiil-Qur’aan  Jamaal  Yuusuf  Maxamed.

Ugu  horayn  Guddoomiyaha  Maxkamadda  Sare  ee  Jamhuuriyadda  Somaliland  Aadam  Xaaji  Cali  Axmed  ayaa  xafiiskiisa  ku  qaabilay  masuuliyiinta  Rugta  Kutubta  ee  Hiil-Qur’aan,  waxaanay  iska  xog-waraysteen  hawlaha  Hiil-Qur’aan  qabato  iyo  doorka  ay  kaga  jirto  dayactirka  Kitaabka  Qur’aanka  ah  ee  Alle  SWT  innagu  galladay.

Geestooda  masuuliyiinta  Hiil-Qur’aan  ayaa  ka  warbixiyay  tan  iyo  intii  ay  bilaabeen  hawshaasi  khayriga  ah  waxqabadada  u  hirgalay  haddii  ay  tahay  sare-u-qaadida  wacyiga  bulshada  ee  dhanka  daryeelka  kutubta  iyo  basrinta  kuwa  duugooba.

Kulankaasi  kadib  masuuliyiinta  Hiil-Qur’aan  oo  uu  hoggaaminayay  Guddoomiyaha  Rugta  Jamaal  Yuusuf  Maxamed  ayaa  Guddoomiyaha  Maxkamadda  Sare  ku  wareejiyay  kutub  iskugu  jirta  qaybaha  kala  duwan  ee  cilmiga  Diiniga  ah  kuwaasi  oo  ay  kamid  yihiin  Tafsiirka  Qur’aanka,  Axaadiista  Rasuulka  SCW,  Fiqiga  iyo  qaybo  kale  oo  muhiim  ah.

Wasiirka  Diinta  iyo  Aw-qaafta  Jamhuuriyadda  Somaliland  Sh.  Maxamed  Xaaji  Aadan  Cilmi  ayaa  tibaaxay  ahmiyada  ay  Maktabadani  bulshada  u  yeelan  doonto,  waxaanu  xusay  in  ay  farxad  gaar  ah  u  leedahay  in  kutubtii  koowaad  ee  Maktabadda  la  dhigay  ay  noqdaan  kuwa  Shareecadda  Islaamka,  waxaanu  Rugta  Kutubta  ee  Hiil-Qur’aan  ku  boggaadiyay  kaalinta  wanaagsan  ee  ay  kaga  jirto  dayactirka  iyo  kor-yeelida  Kitaabkeena  Qur’aanka.

Ugu  danbayn  Gudddoomiyaha  Maxkamadda  Sare  Jamhuuriyadda  Somaliland  Aadam  Xaaji  Cali  ayaa  sheegay  in  Maktabadani  noqon  doonto  mid  casri  ah  oo  gafaysa  baahida  dhanka  akhriska  ee  Garsoorayaasha  iyo  hawl-wadeennada  kale  ee  cilmi-baadhis  iyo  akhrisba  samaynaya,  waxaanu  xusay  in  wali  dhamaystirkii  lagu  guddo  jiro  oo  dhawaan  la  furi  doono.

Guddoomiyaha  ayaa  uga  mahad-celiyay  Rugta  Kutubta  ee  Hiil-Qur’aan  kutubta  ay  Maktabadda  Garsoorka  ugu  deeqeen,  waxaanu  hoosta  ka  xarriiqay  in  kutubtani  tixraac  u  noqon  doonto  akhristayaasha  Maktabadda.