Guddoomiyaha Golaha Guurtida JSL, oo Bulshada Ku Hanbalyeeyay Xuska Maalinta Qarannimada Somaliland ee 18-ka May

0
71

Hargaysa  (Dawan)  Gudoomiyaha  golaha  guurtida  Somaliland  Mudane  Saleebaan  Maxamuud  Aadan  ayaa  bulshada  Somaliland  ku  hambalyeeyay  xuska  maalinta  Qaranimada  Somaliland  ee  18  May,  waxaanu  ugu  bushareeyay  inay  nabad  ku  ciidaan  oo  ay  ku  dabaaldagaan.

Gudoomiyaha  golaha  guurtida  Somaliland  ayaa  bulshada  ka  codsaday  inay  qadariyaan  maalintani  isla  markaasina  si  wayn  u  xusaan  maalinta  Qaranimada  Somaliland  ee  18  May.

Sidoo  kale  gudoomiyaha  golaha  guurtida  Somaliland  Saleebaan  Maxamuud  Aadan  ayaa  Xildhibaanada  golaha  ku  booriyay  inay  bulshada  kala  qayb  galaan  waynayta  maalinta  Qaran  ee  18  May  oo  ah  maalin  ku  wayn  shucuubta  Somaliland,  oo  ay  ku  soo  xusaan  gobollada  iyo  degmooyinka  dalka.

Gudoomiyaha  golaha  guurtida  Somaliland  oo  bulshada  ku  hambalyaynaya  xuska  maalinta  Qaran  ee  18  May  ayaa  waxa  uu  yidhi

“18  May  waa  maalintii  Qaranka,  maalinta  Qaranka  ka  qayb  galka  ka  sokow,  ummadda  waxa  aynu  ku  hambalyaynaynaa  in  maalinta  Qaranka  sifiican  loo  ciido,  loona  qadariyo  sidaasi  ayaynu  dadwaynaha  ka  codsanaynaa.

Xaqu  waan  in  la  tago  gobollada,  18  May  ninkii  tagaya  gobolkii  uu  ka  yimi  ama  mid  kaleba  kaga  qayb  galaya  waa  inta  loo  baahan  yahay  intaynu  halkan  wada  fadhiyi  lahayn  markaa  kaa  waa  idinku  bogaadinaynaa”.