Farduus Cumar oo Dalka Dibadiisa uga Timid ka Qaybgalka Xuska Maalinta Qaran ee 18 ka May

0
72

Qore Khadar M .Xaashi

Hargeysa (Dawan) Farduus Cumar Buuni, oo ka mid ah muwaadiniinta reer Somaliland ee ku nool dalka dibediisa gaar ahaan waddanka Holand, ayaa sheegtay in ay u soo baqooshay sidii ay uga qaybgeli lahayd xuska maalinta Qarannimaa ee 18-ka May.

Sidoo kale Farduus waxa ay xustay in ay aad ugu faraxsan tahay in nasiibkeedu ku beego ka qaybgalka xuska 18 ka May, oo ay sheegtay in ay telefiishanada uun ka daawan jirtay, balse xuska maalintan ay hadda goob joog u tahay haddii ILLAAHEY yidhaahdo.

Geesta kale waxa ay bulshada reer Somaliland, caruur iyo cirrooleba ka codsatay meelkastoy joogaan inay ka qayb galaan weynenta iyo xuska maalintan, waxaaney ugu baaqday inay soo qaatay calanka saddexda midable ee JSL.

Dhanka kale Farduus Cumar, waxa ay soo jeedisay in horumarinta iyo bilicsocelinta wadanka xil weyn la iska saaro, oo qofkasta ka qayb qaato sidii dalku u hiigsana dalalka adduunka ee horumaray.

Waxaaney tidhi.“Xuska maalinta Qarannimada ee 18 ka May waa maalin qiimo badan, magaalada Hargeysa ayaa jooga nasiib ayaan u helay in aan ka mid noqdo bulshada u dabaaldageysa xuska 18 ka May, bulshadeyda reer Somalilandna waxaan ka codsadanaya in dabaaldega maalintaasi aan loo kala hadhin caruur iyo cirroole, waa in la weyneeyo, telefishanada ayaan ka daawan jiray markii aan UK joogey, dhawr jeer waan imid balse nasiibkaygu igu beegin aan 18 ka May ka qayb galo, balse hadda farxad aan la soo koobi karin ayay ii tahay, bulsho waxaan ka dhashay dalkooda, dadkooda iyo diintoodaba daacad