Wasaaradda Waxbarashada JSL oo ku Dhawaaqday Xiliga la Qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dalka

0
115

Hargeysa (Dawan) Masuuliyiinta wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland, ayaa shaacisay xiliga la qaadayo Imtixaanka Shahaadiga ee Dugsiyada sare iyo hoose dhexe ee dalka.
Masuuliyiinta wasaaradda Wasaaradda ayaa sheegay in Imtixaanka fasallada afraad ee dugsiga sare iyo sideedaad ee hoose dhexe la geli doono 22/6/2024, ee sanadkan.
Sidoo kale masuuliyiintu waxay fareen dhammaan ardayda, Waalidiinta, Macallimiinta iyo maamulayaasha Iskuuladda inay u diyaar garoobaan waqtiga kooban ee ka hadhsan qaadista Imtixaanka Shahaadiga ee fasalka afraad ee dugsiga sare iyo ka sideedaad ee hoose dhexe, waxaaney tilmaameen in ilaalinta imtixaanaadka sannadkan lagu soo kordhiyay macalimiinta Jaamacadaha.
Guddoomiyaha xafiiska imtixaanaadka Qaranka Somaliland Daa’uud Axmed Faarax, ayaa ardayda imtixaanka galeysa faray inay ka dheeraadaan in ay imtixaanka ku galaan qish, waxaanu ku waaniyay inay ka waantoobaan, guddoomiyuhu isaga oo hadalkiisa siiwata waxa uu intaas ku daray in imtixaanka loogu soo diyaargaroobo sifiican, isaga oo hoosta ka xariiqay in la rabo in Somaliland sidii ay u hoggaamin jirtay wadamada bariga Afrika xagga imtixaanaadka in imikana ay u hoggaamisoi.
Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska Somaliland Mudane Axmed Aadan Buuxane, ayaa warbaahinta la wadaagey wakhtiga rasmiga ah ee la galayo imtixaanka shahaadiga ah ee dugsiyada sarre iyo hoose dhexe.
Waxaanu yidhi. “Markii aanu la tashanay masuuliyiinta xafiiska imtixaanaadka Qaranka, waxa aanu sameynay dib u sixid iyo in aanu wakhtiga imtixaanka dib u eegno, waxaanu isla garaney in wakhtiga ugu haboon ee imtixaanka la galaya uu noqdo 22/6/2024-ka, kuna beegan maalin Sabtiya, haddii ALLE yidhaahdo, kaas oo socon doona muddo 6 cisho ah”