Madaxweynaha oo Kulan Sagootin ah la Qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee UN-ka

0
120

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shalaya kulan sagootin ah la qaatay Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb.Catriona Laing oo laga beddelay shaqadii ay hore u haysay ee Qaramada Midoobay.

Madaxweynaha qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa uga mahad-naqay Amb Laing muddadii ay soo wada shaqeeyeen iyo hawlihii muhiimka ahaa ee u dhexeeyey Qaramada Midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland ee qabsoomay muddadii ay shaqada gacanta ku haysay.

Dhinaceeda, Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey Amb. Catriona Laing ayaa madaxweynaha uga mahadnaqday sidii wanaagsanayd ee ay xukuumaddiisu ula shaqaysay muddadii ay xilka haysay iyo sidii xilkasnimada lahayd ee ay u soo wada shaqeeyeen.

Kulanka waxa madaxweynaha ku wehelinayey wasiir-ku-xigeenka arrimaha dibadda iyo iskaashiga caalamiga, ahna ku-simaha wasiirka, Marwo Rooda Jaamac Cilmi.

Dhinaca weftigana waxa ku wehelinaayey Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey, masuuliyiin kala duwan oo uu ka mid tahay Nikolai Rogosaroff, oo ah madaxa xafiiska Hargeysa, Katherine Brooks, Axmed Qalinle, Mustafe Khayre iyo Daahir Maxamed.