Micheal Cohen oo mar ahaa isku-duwaha Trump ayaa ku markhaati kacaya madaxweynihii hore

0
132

Michael Cohen, oo hore u ahaa madaxa siyaasadda Donald Trump, ayaa ku soo laabtay goobta markhaatiga Salaasadii. Mr Cohen ayaa markii uu ka soo muuqday goobta markhaatiga waxa su’aalo adag ku boobay qareennada difaaca ee madaxweynihii hore, su’aalahaasi waxay ku saabsanaayeen sheegashadiisa ah in Trump uu ku amray in uu bixiyo $ 130,000 oo ah lacagta loo yaqaano Hush Money ama lacag qarsoodi ah oo uu siiyay xiddigta filimada ee Stormy Daniels. maalmo ka hor doorashadii 2016-kii.

Cohen ayaa Isniintii sheegay in lacagta la bixiyay ay ahayd in Daniels laga ilaaliyo in ay ka hadasho kulan galmo oo la sheegay in sanadkii 2006 oo uu la yeeshay Trump, iyada oo lacagtaa loo dhiibay Cohen laga dhigay lacago sharci ah.

Cohen ayaa Isniintii maxkamada New York ah ka sheegay inuu ku markhaati furi doono madaxiisii ​​hore Trump oo lagu qaadayo dacwaddii ugu horeysay ee dambi ah oo lagu soo oogo madaxweyne Maraykan ah.

Trump ayaa lagu soo oogay 34 dacwadood oo ah in uu been abuur ku sameeyay diiwaanka ganacsiga ee shirkadda Trump Organization si uu sharci ugu eekaysiiyo lacagihii la siiyay Cohen sanadkii 2017 wakhtigaas oo loo dareerayey doorashada siddeed sano ka hor.

Marag fur xoog leh, Cohen wuxuu u sheegay 12 xubnood oo xeerbeegti ah in Trump uu oggolaaday bixinta lacagta kulan ay wada yeesheen isaga iyo Trump ka hor doorashada. Waqtigaas, oo Daniels ay raadineysay inay ka war bixiso galmadii iyada iyoTrump ee 2006-dii taas oo ka dhacday goobta dalxiiska caanka ah ee golf-ka.

Cohen waxa uu soo xigtay hadalkii Trump isaga oo leh, “Ma jirto sabab aad arrintan halkaas uga sii haysato, kaliya samee.” Markaa, wuxuu igu yidhi, ‘Kaliya samee.’

Trump ayaa la sheegay inuu u sheegay Cohen inuu faahfaahinta kala shaqeeyo Allen Weisselberg, oo markaas ahaa madaxa dhaqaalaha ee Ururka Trump, si uu “u ogaado arrintan oo dhan.”

Lacagtu waxay ahayd mid uu sii bixiyey Cohen, waxaana heshiisku ahaa in la siin doono. Maalmo ka hor inta aan Trump loo caleema-saarin inuu noqdo madaxweynaha 45-aad ee dalkaas bishii June 2017, Cohen wuxuu sheegay in isaga iyo Weisselberg ay kula kulmeen Trump xafiiskiisa Trump Tower ee New York, Trump wuu sii xaqiijiyey heshiiska.

Trump oo inta badan indhihiisu xidhnaayeen ayaa waxa uu dhageystay warbixin faahfaahsan ee kaaliyihiisii ​​hore ee ku saabsanaa sida uu lacagta u siiyay Daniels. Tani waxay ahayd mid ka mid ah saddex heshiis oo lacag bixin ah oo uu Cohen abaabulay si loo aaso sheegashooyin dad wax ka tirsanaya Trump toddobaadyo ka hor inta aanu si dirqi ah uga guuleysan doorashadii 2016 murashaxii Dimuqraadiga Hillary Clinton.

Cohen wuxuu qeexay sida tan iyo horraantii 2000-meeyadii, uu dadka u cagajugleyn jiray isaga oo ka wakiil ah Trump, isaga oo sameynaya wax kasta oo “madaxa” ururka Trump uu rabo. Laakiin Cohen, oo 57 jir ah, ayaa kooxda Trump u arkaan inuu yahay beenaale la rumaysan karin.

Cohen waxa uu qirtay dambiga ah in uu ku xad-gudbay maaliyad ol’olaha ee la xidhiidha lacag-bixinta Daniels iyo dambiyo kale, oo ay ku jiraan ka been-sheegga uu u sheegay guddi kongareeska oo ku saabsan horumarka laga filayey ee Trump iyo Moscow.

Cohen waxa uu 13 bilood iyo badh ku jiray xabsi federaal ah iyo sannad iyo badh kale oo ku xidhnaa guriga. Sidoo kale waa laga saaray qareen ahaan.