Shir lagaga Hadlay Adkaynta Amniga Guud ee JSL oo lagu Qabtay Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha

0
74

Hargeysa (Dawan) Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL, ahna Gudoomiyaha Guddida Heer Qaran ee Qaban-qaabada Xuska Maalinta Qaranka ee 18 May Mudane Maxamed Kaahin Axmed, ayaa shir gudoomiyey kulan Ballaadhan oo ku saabsan adkaynta iyo xoojinta amniga guud ee Dalka Jamhuuriyadda Somaliland, kaasoo qabsoomay Xafiiska Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

Kulankan muhiim ka ah mudadii uu socdey waxaa lagu Lafa-guray adkaynta iyo xoojinta amniga guud ee Dalka iyo diyaar garowga xuska maalinta Qaran ee 18 ka May, taasoo ay hadhsan yihiin maalmo kooban, shacabkuna ay si wayn ugu diyaar garoobeen.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha JSL Maxamed Kaahin Axmed ayaa faray Taliyayaasha guud ee Ciidamada qalabka sida, in la xoojiyo amniga, sidoo kale heegan la ahaado, si looga hortago shirqoolkasta oo ay isku dayaan Cadawga Somaliland, si ay u waarto nabadgelyada bulshadu ku seexato ee ay ku soo toosto.

Taliyaha Guud ee Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Nuux Ismail Taani, ayaa caddeeyey in Ciidamada Qaranku ay heegan u yihiin difaaca Qarannimada iyo nabadgelyada, iyadoo Ciidamada Qaranku ay ku jiraan diyaar garowga waynaynta maalinta Qaran ee xuska 18 ka May iyo Diyaar garowga difaaca Dalka.

Taliyaha Guud ee Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi, ayaa ku dhiirigeliyey madaxda Ciidamada adkaynta nabadgelyada, isaga oo taliyuhu caddeeyey in ay Ciidamada Booliska Somaliland u diyaar garoobeen adkaynta nabadgelyada guud ahaan Dalka oo dhan, sidoo kale ay wayn uga qayb qaadan doonaan dabaal-dega xuska 18 ka May.

Wasiirka Wasaaradda diinta iyo Awqaafta Sheikh Maxamed Xaaji Aadan, Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Dr. Buuxane, Taliyaha Ciidanka Asluubta Sareeye Guuto Axmed Cawaale Yusuuf iyo Maayor Kuxigeenka Caasimada Hargeysa ayaa dhinacooda soo jeediyey tallaabooyin muhiim ah oo amniga lagu adkaynayo maalmaha lagu jiro dabaal-dega maalinta Qaran ee 18 ka May.