Wasiirka Qorshaynta JSL oo 12 Gaadhi Ku Wareejiyay Qaar Ka Mid ah Wasaaradaha Dalka

0
82

Hargaysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Axmed Maxamed Diiriye Toorno ayaa 12 gaadhi ku wareejiyay qaar ka mid ah wasaaradaha dalka, kuwaasi oo ahaa gaadiidkii ka shaqaynayay mashaariicda horumarineed ee laga maalgaliyay sanduuqa SDF.

Wasaaradaha lagu wareejiyay gaadiidkan ayaa kLa ahaa wasaarada horumarinta Beeraha Somaliland, wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland, wasaaradda Kalluumaysiga iyo Xeebaha Somaliland iyo Wakaallada biyaha Hargaysa.

Gaadiidkan ayaa waxa wasiirka Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka kala wateegay masuuliyiinta wasaaradahaasi.

Munaasibadan lagu wareejinayay gaadiidka ayaa waxa ka hadlay isla markaana faahfaahin ka bixiyay gaadiidkan wasiirka qasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka Somaliland Axmed Maxamed Diiriye Toorno waxaanu sheegay in mashaariicdii gadiidkan lagag shaqaynayay ay dhammaantood guulaysteen.

Wasiirka ayaa sheegay in gaadiidkan lagag shaqaynayay mashruuca beeraha Dilla, mashruuca naaxinta iyo calafka xoolaha ee Aroori, mashruuca dhiska Dekeda Maydh iyo mashruuca qodista ceelasha biyaha ee Hargaysa, waxaanu sheegay in sidii hore loogaga shaqaynayay hadana loogu shaqayn doono iyaga oo ay rasmi ahaan wasaaraduhu ula wareegeen gadiidkan.

Wasiirada wasaaradaha Xanaanadaa Xoolaha, Kalluumaysiga, Beeraha iyo Wakaallada Biyaha Hargaysa oo la wareegayay gaadiidkan ayaa balab qaaday inay ilaalinayaan gaadiidkan oo ay baahi wayn u qabeen, kagana shaqayn doonaan mashaariicda loogu talogalay.

Qaabka ay u qaybsadeen wasaaraduhu gadiidkan ayaa kala ah in afar gaadhi lagu wareejiyay wasaaradda Xanaanada Xoolaha Somaliland halka wasaaradda Beeraha lagu wareejiyay sadex gaadhi, sidoo kale waxa laba gaadhi lagu wareejiyay wasaaradda Kalluumaysiga, sidoo kale waxa sadex gaadhi lagu wareejiyay Wakaallada Biyaha Hargaysa, waxaan dhamaantood lagaga shaqayn doonaa mashaariicdaasi loogu talogalay.

Gebo’gabadii wasiirka wasaaradda Qorshaynta iyo horumarinta Qaranka ayaa u digay dadka wararka aan sal iyo raad toona lahayn la wadaaga bulshada loo fulinayo mashaariicda ee ay halkaasi kaga baaba’aan mashruucii loo waday, waxaanu u soo jeediyay inay ka waantoobaan, sidoo kale waxa uu fariin u diray bulshada Somaliland oo uu ugu baaqay inay dadka iska hubsadaan si aanay u waayin horumarkii loo soo waday