Ciidanka Booliska JSL, oo Heegan La Galiyay Sugidda Amniga Xuska 18 May

0
135

Hargaysa (Dawan) Ciidanka Booliska Jamhuuriyadda Somaliland ayaa la faray inay heegan buuxa galaan maalmaha dabbaaldegga  18 May, taas oo loo dabaaldagayo xuska maalinta la soo noqoshada madax banaanida Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa ugu baaqay Ciidanka Booliska Somaliland inay laban laabaan dedaalka sugida amniga ee ay u xil saaran yihiin, waxaanu faray inay dhinacna ka dabaaldagaan dhinacna amniga ka ilaaliyaan.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland oo warbaahinta la hadlay ayaa ku dheeraaday waxqabadka ay dalka iyo dadkaba u hayaan Ciidanka Booliska Somailand, waxaanu xusay in ay dedaalka Ciidanku gaadhay in Telefoonka gacanta ee laga dhaco qofka ku nool Somaliland ay soo qabtaan Ciidanku, laguna soo baahiyo degelka Facbook ee Ciidanka siu u u helo qofkii lahaa.

Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa sidoo kale hamalyo u diray dhammaan ciidamada kala duwan ee Booliska Somaliland munaasibada 18 May awgeed, waxaanu ugu bushaareeyay inay sanadka sanadkiisa barwaaqo ku gaadhaan.

Dhinaca kale Taliyaha Ciidanka Booliska ayaa bulshada iyo siyaasiyiinta dalka ugu baaqay in ilaalinta amniga meel looga soo wada jeesto wakhtiyada lagu jiro dabaaldega 18 May oo qof kastaa wixii uu ka shakiyo ee amniga wax u dhimaya uu ka soo socodsiiyo Ciidanka Booliska, si wax looga qabto.

Gebo’gabadii Taliyaha Ciidanka Booliska Somaliland Sareeye Gaas Maxamed Aadan Saqadhi Dabagale ayaa bulshada ugu baaqay inay nabad ku ciidaan, kuna dabaaldagaan, dhankooda ay ka ilaaliyaan maniga iyo xasiloonida dalka, waxaanu fariin u diray qof kasta oo reer Somaliland ah in ay wakhtiyada lagu jiro xuska 18 May si toos ah ula shaqeeyaan Ciidanka Booliska iyaga oo kala shaqaynaya sugida amniga iyo ilaalinta bad-qabka muwaadiniinta.