Munaasibadda xuska 33 guurada maalinta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland ee 18 May oo si heer sare uuga qabsoontay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka

0
143

Maxamuud Walaaleeye

Munaasibadda xuska 33 guurada maalinta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland  ee 18 May ayaa si heer sare uuga qabsoontay dhamaan gobolada iyo degmooyinka dalka.

Madaxweynaha JSL Md. Muuse Biixi Cabdi oo ay wehelinayaan Madaxweynahii hore Mudane Daahir Rayaale Kaahin, Madaxweyne ku xigeenadii hore ee Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Aw-Cali Faarax iyo Axmed Yuusuf Yaasiin, Gudoomiyaha Guurtida Md. Saleebaan M. Adan, Gudoomiyaha Wakiiladda Md. Yaasin Xiir Faratoon, Gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md. Xirsi Cali X. Xasan, Musharaxa Xisbiga Waddani Md. Cabdiraxmaan M. Cabdillahi, masuuliyiin ka socday Xisbiga KULMIYE iyo Xisbiga UCID, masuuliyiin ka tirsan goleyaasha qaranka, dublamaasiyiinta Caalamka u jooga Somaliland iyo marti Sharaf kale ayaa ka qeybgalay munaasibada manta lagu qabtay fagaaraha kheyriyada ee Caasimada Hargeysa.

Munaasibadda oo mid heer sare loo soo agaasimay, isla markaana boqolaal kun oo bulshada caasimada Hargeysa u taagnaayeen dariiqyada caasiamada daawashadeeda, halka boqolaal kale oo gudaha iyo dibeda dalka jooga kala socdeen muuqaalada telefishanka Qaranka iyo Telefishanada kale ee ka qeybqaadanayen baahinteeda, ayaa qeybaha bulshadu socod iyo wacdaro kale ku soo bandhigay fagaaraha ayaa dhinacyadii ka qeybqaatay ka mid ahaayeen ardayda dugsiyada dalka, degmooyinka caasimada, ururada kala duwan ee ganacsatada, kuwa dawliga ah iyo kuwa aan dawliga ahayn. Qeybo ka mid ah Wasaaradaha iyo hay’adaha qaranka Somaliland, si gaar ah uuga dhexmuuqatay hawlwadeenada Wasaaradda Warfaafinta iyo wargeyska Qaranka ee Dawan, Qeybaha kala duwan ee munaasibada ka soo qeybgalay ayaa mid walba ku soo bandhigeen xirfadooda gaarka u ah, isla markaana si weyn u soo dhoweeyeen dadweynahii iyo madaxdii ka qeybgashay daawashadooda.

 

Dhinaca kale, munaasibada xuska 33 guurada ee maalinta qaranimada Jamhuuriyadda Somaliland oo ay ka qeybqaateen ciidamada kala duwan ee qaranka ayaa waxa fagaaraha gaada-ka-ciyaar ku soo maray ciidamadii ugu badnaa intii qaranka dib ula soo noqday madaxbanaanidiida ee Milateriga Somaliland.

Muuqaalka Ciidamada boqolaalka kun ee fagaaraha soo maray ayaa xaqiiq la yaab ku noqday cadowga Somaliland, isla markaana xaqiijiyey in balanqaadkii ciidanka Qaranka in guluf iyo colaad yihiin ciidan u diyaar difaaca dalkooda iyo inay waajahaan cadodgiisa.

Sidoo kale fagaaraha waxa lagu soo bandhigay boqolaal ka mid ah noocyada gaadiidka kala duwan ee ciidamada qaranka, hubka noocyadiisa kala duwan, oo dhamaantood ahaa kuwo cusub, markii koowaad-na bulshadu ku daawato faagaraha khayriyada ayaa ku soo dhamaatay nabadgelyo manta.

 

Dhinaca kale Munaasibada xuska 18 May 2024 oo si ka balaadhan sannadahii hore manta looga xusay gobolada iyo degmooyinka dalka, halku-dhigeeduna ahaa, Aqoonsi, Wadajir iyo difaaca qaranka ayaa xuskeeda lagu qabtay dhamaan gobolada dalka iyo degmooyinka, isla markaana bulshada kala qeybgaleen masuuliyiinta kala duwan ee qaranka.

Xuska munaasibada maalinta qaranka ee 18 May ayaa jaalidaha Jamhuuriyadda Somaliland ee daafaha caalamku ku qabanayaan dibedaha, isla markaana kala qeybgelayaan masuuliyiinta qaranka qaarkood iyo masuuliyiinta xisbiyada Qaranka.