Saddex Dal oo Yurub ka Tirsan oo Ku Dhowaaqay in ay Aqoonsadeen Falastiin

0
62

Hargeysa (Dawan) Waddamada Ireland, Spain iyo Norway oo dhammaantood ka tirsan dalalka qaarada Yurub ayaa Arbacada shalay ku dhowaaqay in ay si rasmi ah u aqoonsanayaan Dowladda Falastiin, laga billaabo 28-ka May, iyaga oo sheegay inay rajeynayaan in dalalka kale ee reer galbeedkuna ay ku daydaan, taasi oo keentay in Israel ay u yeedhato safiiradeeda.

Ra’iisal Wasaaraha dalka Spain Pedro Sanchez ayaa sheegay in tallaabadan looga gol-leeyahay in lagu dardar-geliyo dadaallada lagu xaqiijinayo xabbad joojin midho-dhasha oo laga gaadho dagaalka Israel ay kula jirto Xamas ee Gaza.

“Waxaan rajaynaynaa in aqoonsigayaga iyo sababahayagu ay ka qayb qaataan in dalalka kale ee reer galbeedku ay wadadaas raacaan, sababta oo ah mar kasta oo ay aragtidayadu  badato, waxaa sii kordhaysa awoodda aanu u yeelaneyno in aannu xabad joojin sameyno, si loo sii daayo la-haystayaasha Xamas, si dib loogu billaabo hanaanka siyaasadeed ee horseedi kara heshiis nabadeed,” ayuu Ra’iisal Wasaaraha dalka Spain Pedro Sanchez ku yidhi khudbad uu ka jeediyay aqalka hoose ee dalkaas.

Israel ayaa dagaalkeeda Gaza billowday iyada oo ka aargoosanaysa weerar 7-dii October ay Xamas ku qaadday oo ay ku dishay 1,200 oo qof, isla markaana ay ku afduubatay in ka badan 250 qof.

Howlgallada Israel ay ka fulisay Gaza ayaa waxaa ku dhintay in ka badan 35,000 qof oo Falastiiniyiin ah, sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka ee Gaza.

Spain iyo xulafadeeda ayaa muddo bilo ah ka ololeynayay wadamada Yurub, oo ay ku jiraan Faransiiska, Portugal, Belgium iyo Slovenia, si ay taageero ugu helaan aqoonsiga Falastiin.

“Maanta, Ireland, Norway, iyo Spain waxay ku dhawaaqayaan in aanu aqoonsannahay Dowladda Falastiin,” ayuu ra’iisul wasaaraha Irelanad Simon Harris ku yidhi shir jaraa’id oo uu ku qabtay Dublin.

“Mid kasta oo naga mid ah hadda wuxuu qaadi doonaa tallaabo kasta oo qaran oo lagama maarmaan u ah si loo dhaqan geliyo go’aankaas,” ayuu yidhi Ra’iisul wasaaraha Irelanad Simon Harris

Waxa uu intaa ku daray in Ireland ay si aan mugdi ku jirin u aqoonsaneyso Israel iyo xaqa ay u leedahay “inay si ammaan ah oo nabad ah kula noolaato deriskeeda,” wuxuuna ku baaqay in dhammaan la haystayaasha Gaza si deg deg ah loo soo celiyo.

Magaalada Oslo, Ra’iisul Wasaaraha Norway Jonas Gahr Store, ayaa sheegay in habka kaliya ee lagu heli karo xal siyaasadeed oo dhexmara Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta ay tahay “laba Dal oo isku dhinac yaalla oo ku wada nool nabad iyo amni”.

Isaga oo ka jawaabayay ku dhawaaqista, ayaa wasiirka arrimaha dibadda ee Israel, Israel Katz waxa uu amar ku bixiyay in si deg deg ah ay u soo laabtaan safiirada Israel u fadhiya saddexda waddan si ay wadatashi ula yeeshaan, waxaanu ka digay “cawaaqib xun oo arrintaasi ka dhasha”.

“Waxaan maanta dirayaa farriin cad: Israel ma dhayalsan doonto kuwa wax u dhimaya qarannimadeeda oo khatar gelinaya ammaankeeda,” ayuu yidhi.

Israel ayaa ku dooda in sida kaliya ee lagu heli karo qarannimo Falastiin ay tahay wada-xaajood, islamarkaana haddii nidaamkan la hareer maro ay Xamaas iyo kooxaha kale ee mintidka ah siinayso dhiirigelin ay ku adeegsadaan rabshado.
Qiyaastii 144 ka mid ah 193-ka waddan ee xubnaha ka ah Qaramada Midoobay ayaa horey u aqoonsaday Falastiin, waxaana ku jira inta badan dalalka koonfurta caalamka, Ruushka, Shiinaha iyo Hindiya.

Hase yeeshee tiro yar oo ah 27-ka xubnood ee Midowga Yurub ayaa ilaa hadda tallaabadaas qaaday. Sweden ayaa noqotay waddankii ugu horreeyey 2014. UK iyo Australia waxay muujiyeen bilihii la soo dhaafay inay dhowaan ku dayan karaan.

Falastiiniyiinta ayaa raadiya Dowlad ka jirta Daanta Galbeed ee ay Israel haysato iyo Marinka Gaza, iyadoo caasimaddoodu ay tahay Bariga Qudus.

Maraykanka oo ah xulufo aad ugu dhow Israel ayaa bishii hore codka diidmada qayaxan ku diiday isku day Qaramada Midoobay ay ku doonaysay inay ku aqoonsato dowlad Falastiin, isaga oo ku dooday in xal laba dawladood ahi ku iman karo oo keliya wada xaajood toos ah oo dhexmara dhinacyada.