Beesha Reer Shirdoon (Bureeqa) oo Muujiyay Taageerada ay u Hayaan Xisbiga KULMIYE

0
70

Hargeysa (Dawan) Haldoorka, Aqoonyahanka, Haweenka iyo Dhalinyarada Beesha Reer Shirdoon (Bureeqa) ayaa munaasibad ballaadhan oo ka qabsoontay Huteel Guuleed ee Magaalada Hargeysa ku muujiyay cududooda iyo taageerada ay u hayaan Xisbiga talada dalka haye ee KULMIYE.

Kulankan Beesha Bureeqa ku muujiyeen taageerada Xisbiga KULMIYE ayaa waxa ka soo qaybgalay Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha, ahna Gudddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco, Wasiirkii hore ee Wasaarada Wasaarada boosaha iyo Tignoolajiyadda Cabdiwali Suufi Jibriil, Cuqaal haween iyo Dhalinyaro.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ahna Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha Maxamed Kaahin Axmed oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu sheegay in beesha reer Shirdoon yihiin aasaasayaashi Xisbiga KULMIYE, waxaana uu yidhi “Beesha halkan fadhida Siyaasada waxa ay ku leeyihiin abtirsiin weyn, waa beel aan ciirciirin, Xisbiga Kulmiye dadkii aasaasay ayay ka mid ahaayeen ee taageerayaasha u ahaa. waana dadkii laf-dhabarta ka ahaa halgankii. Kulmiye-na waa Xisbiga Codbixiyayaashiisu sii kordhaan ilaa doorashadii 2002-dii”.

Wasiirka Wasaarada Xidhiidhka Golayaasha iyo Dastuurka Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa uu tilmaamay in beesha Bureeqa ay farriin u direen Cabdiraxmaan Cirro iyo Xirsi. Waxaana uu yidhi “Aad iyo aad ayaaan u soo dhawaynaynaa Bulshada halkan iskugu timid ee taageerada iyo cududooda ku muujinaysa in ay yihiin Xisbiga KULMIYE, waxa aan farriin u dirteen Cabdiraxmaan Cirro iyo Xirsi, bulshada halkan joogtaa maaha bulsho guriga Xirsi guri Goljano ku yaala ku shiriyo oo uu yidhaahdo bulsho hebel ayaa nagu soo biirtay”.

Wasiirkii hore Wasaarada Boosaha Tignoolajiyadda Cabdiwali Suufi Jibriil iyo Maayarkii hore Magaalada Hargeysa Xildhibaan Cabdiraxmaan Maxamuud Caydiid Soltelco oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa ay in marlabaad Codka loogu ridayo Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Sidoo kale Aqoonyahanka iyo haweeenka beesha reer Shirdoon oo hadal ka jeediyay halkaas ayaa waxa ay shegeen in ay taageero buuxda la garabtaagan yihiin Xisbiga KULMIYE, isla markaana aanay waxba ka jirin in beeshu ku biirtay Xisbiga Waddani.