Hay’adda Caymiska Qaranka JSL oo Shaacisay Wakhtiga la Hirgelinayo Caymiska Gaadiidka

0
151

Hargaysa (Dawan) Hay’adda Caymiska Qaranka JSL, ayaa shaacisay xilliga ay hirgelin doonto qorshaha caymiska gaadiidka oo muddooyinkii u dambeeyay ay soo wadey hirgelinteeda.

Kulan lagu gorfaynaayey hirgelinta caymiska gaadiidka oo ka dhacay magaaladda Hargeysa, isla markaana ay ka soo qayb galeen xubno ka tirsan golaha wasiirrada, shirkaddaha gaadiidka iyo shirkaddaha caymiska ayaa lagu shaaciyay xilliga la hirgelin doono qorshaha caymiska gaadiidka.

Agaasimaha Hay’adda Caymiska Qaranka Cabdiraxmaan Muuse iyo guddoomiyaha hay’addaasi Guuleed Muuse Galaal, ayaa sheegay in qorshaha caymiska gaadiidka la hirgelin doono bisha June ee foodda inagu soo haysa, waxa aanay usoo jeediyeen shacabka ku nool Jamhuuriyadda Somaliland iyo shirkaddahaba in ay isu diyaariyaan hirgelinta qorshaha caymiska gaadiidka,iyada oo 20 qof ee ugu horeeya caymiskani ay noqon doonaan bilaash.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay mas’uuliyiin ku hadlaayey afka shirkaddaha caymiska ee dalka, waxa aanay sheegeen in shirkaddaha sharciga la mariyey,isla markaana caymiska la qaatay uu yahay Caymis Islaami ah, iyaga oo intaas ku daray in haddii gaadiidka Somaliland ka shaqeeyaa ay caymiska galaan ay khasaaraha ku yimaada ama ay geystaan si fudud isaga bixin karaan.

Ku xigeenka duqa caasimadda Hargeysa Khadar Axmed Cumar iyo Taliyaha ciidanka Ilaalada wadooyinka Somaliland oo iyaguna goobta ka hadlay ayaa sheegay in dib u habayn lagu wado caasimadda Hargeysa, isla markaana gaadiidka shirkaddaha ee gobollada u kala baxa ay ka bixi doonaan kooneyaasha magaaladda,si loo yareeyo gaadiidka saxmada ku sameeya magaalada,waxa aanay cadeeyeen in shuruucda dalka loo raaci doono gaadiidka khaladaadka gala.

Waxa iyaguna halkaas ka hadlay iskaashatooyinka gaadiidleyda oo uu xeerkani si gaar ah u khuseeyo.

Gaba-gabadii wasiir ku xigeenka wasaaradda Gaadiidka iyo hor-u-marinta Jidadka Somaliland Muuse Yuusuf Selef,wasiirka wasaaradda hor-u-marinta maaliyadda Sacad Cali Shire iyo mas’uuliyiin kale oo ka tirsan xukuumadda Somaliland oo iyaguna halkaas ka hadlay ayaa sheegay in sannadihii u dambeeyay culays badan la saaray qaadashada liisanka gaadiidka,iyada oo loo dhamaystiraayo qof kasta oo Liisan u baahan waxa uu u baahan yahay, waxa aanay sharaxaad ka bixiyeen faa’iidooyinka Caymiska iyo sida uu culayska uga qaadaayo wadeyaasha iyo mulkiileyaasha gaadiidka.