“Meherada Qarsata Alaabta Dhacday Sharciga Ayaanu Horgaynaynaa”

0
66

Hargaysa (Dawan) Maayirka Caasimadda Jamhuuryidda Somaliland ee Hargaysa Cabdikariim Axmed Mooge ayaa sheegay inay sharciga la tiigsanaynaa Meherada lagu helo inay qarsanayso alaab dhacday si ay u iibiyaan, waxaanu sheegay in la marin doono ciqaabta sharciga u taala.

Sidoo kale waxa uu ka digay Maayirka Hargaysa in bulshadu ka aamusto haddi ay arkaan alaabo shacay oo la iibinayo, waxaanu sheegay xanuunada laga dhaxlo waxyaabaha dhacay ay sii laba jibaarmi doonaan haddii sidaasi looga aamusay, oo shakhsiyaad aynu jecel nahayna aynu ku waayi doono.

Dawladda hoose ee caasimada Hargeysa, ayaa olole ay qaadeen ku soo ururiyay 120 tan oo alaabooyin dhacay ah, isla markaana ku gubay meel fagaare ah, kuwaasi oo laga soo ururiyay goobaha ganacsi ee magaaladda.

Duqa caasimada Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa sheegay in 120 tan ay isugu jiraan, Dawooyin, Kiniino, Sharaab iyo cuno kala duwan kuwaasi oo wakhtigoodu dhacay.

Geesta kale waxa uu xusay in Alaabtan ay ku qaadeen 12 gaadhi oo ah kuwa xamuulka, kuwaas oo geeyay goob loogu tallo galay in lagu gubo si bulshada looga basriyo.

Duqa caasimada Hargeysa Mudane Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa shaqaalaha dowladda hoose ku ammaanay soo ururinta alaabooyinka wakhtigoodu dhammaaday, waxaanu bulshada faray in cidkasta ay xil iska saarto hubinta waxa la cunayo iyo wax la cabayo, waxaanu ku baraarujiyay inay wixii wakhtigoodu dhammaado ee ay arkaan ay la soo socodsiiyaan dowladda hoose waxaanu yidhi

“Meherada soo sheegta waxa dhacay ee u baahan in laga qaadaa way mahadsan tahay, meherada qarsatana sharciga ayaa la horgayn doonaa oo wixii u uku xukumay lagu xukumi doonaa.

Farriintaydu waxay tahay dawladda hoose haddii aanu nahay waanu dedaalnay intaasi ayaa Saaka la qabtay, laakiin dabagalka, soo gurida iyo qabashada waxa ka muhiimsan shacabka oo baraaruga oo garta inay dadkooda ilaashadaan oo fariintaydu waxa weeye waa in bulshadu ay iska hubiyaan daawada ama sharaabka ay iibsanayaan wakhtiga uu dhacayo, haddii ay arkaan in meheradu ay ka iibinayso alaab dhacday waxaad xaq u leedahay inaad soo dacwayso”.