Wasaaradda Caafimaadka JSL oo La wareegtay Dawooyinka Xanuunada Dilaaca

0
63

 

Hargaysa (Dawan) Agaasimaha guud ee Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr.Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa shalay agab caafimaad iyo daawooyin loogu talo galay in lagaga hortago waxna lagaga qabto xaaladaha soo kordha ee ay ka mid yihiin. Xumadda, Shuban biyoodka iyo nafaqo-darada kala wareegay Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO.

Agabkan ayaa loogu talogalay in kor loogu sii qaado dedaalada wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland ay ku horumarinayso guud ahaan caafimaadka bulshada.

Munaasibad kooban oo loo qabtay wareejinta agabka deeqdan ayaa waxa goob joog ahaa Agaasimaha guud ee wasaaradda horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye, madaxa Somaliland ee Hay’adda caafimaadka aduunka ee WHO iyo masuuliyiinta bakhaarka wasaaradda caafimaadka iyo marti sharaf kale.

Madaxa Hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO qaybta Somaliland oo ku wareejiyay deeqdan agabka ah ayaa wasaaradda Caafimaadka ayaa waxa uu sheegay in aanay ahayn markii ugu horaysay ee ay agab deeq ah ku wareejiyaan wasaaradda Caafimaadka Somaliland, sidoo kale waxa uu sheegay inay wasaaradda Caafimaadka kala shaqeeyaan sidii loo horumarin lahaa Tayada caafimaadka dalka iyo agabka lagu shaqaynayaba.

Agaasimaha guud ee wasaaradda Caafimaadka Jamhuuriyadda Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye oo isagu kala wareegay deegdan agabka ah Hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO ayaa aad ugu mahadceliyay Hay’adda WHO deeqda agabka ah ee ay soo gaadhsiisay wasaaradda Caafimaadka Somaliland.

Agaasimaha wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in agabkan iyo daawooyinka ay Hay’addu ugu talogashay in ay wasaaraddu wax kaga qabato xanuun dilaacyada soo kordha ee wakhtigan.

Agaasimaha ayaa sheegay in daawooyinka iyo agabkani oo wax wayn ka tari doono dilaaca xanuunada wakhtigan, waxaanu ka bogaadiyay sida joogtada ah ee Hay’adda Caafimaadka aduunka ee WHO ay markasta ula shaqayso wasaaradda Caafimaadka Somaliland.