Codbixiyayaasha Maraykanka oo ku kala qaybsamay go’aanka Trump ee Maxkamada

0
59

Donald Trump waa hogaamiyihii ugu horreeyay ee Maraykanka madaxweyne ka noqda ee lagu helo dambi. Hadaba muxuu xukunkiisu uga dhigan yahay doorashada?

Ra’yi ururin ay samaysay warbaahintu waxay soo jeedisay inay bedeli karto maskaxda qaar ka mid ah codbixiyayaasha, ka hor tartan adag oo uu la gelayo madaxweyne Joe Biden bishan November.

Warbaahinta ayaa la hadashay codbixiyeyaal madax bannaan iyo sidoo kale qaar ka mid ah Jamhuuriga oo sheegay in ay shaki ka qabaan taageerada Trump iyo kuwo sheegay in ay si adag u taageerayaan.

Kadib xukunkii taariikhiga ahaa ee Khamiista, waxaan waydiinay in xukunkiisu uu u go’aamin doono sida ay u codeynayaan. Waxaan ku bilaabaynaa codbixiye si cad uga murugooday doorkiisa.

Jim Sullivan waa codbixiye Jamhuuriga ah, labadii doorasho ee Trump tartamay wuu u codeeyey inkasta oo uu shakisanaa, laakiin waxa uu leeyahay tani waxay u muuqataa kiis aad u qalafsan. Waxa uu yidhi  “Anigu ma ihi taageere weyn oo Trump ah mana ihi qareen, laakiin – iyada oo ku saleysan waxa aan akhrinayay – tani waxay u muuqatay kiis aad u qallafsan. Waxaan dareemayaa in xeerbeegtida loo horseeday gabagabo la sii saadaaliyay. Waxaana filayaa in garsoorkani uu lahaa eex. Waxa ii soo baxay waxay ahayd sida ay dhab ahaantii ugu damqadeen Donald Trump, iyaga oo ku xidhxidhay amarro adag.

Iyada oo ay jirto daruur mugdi badan oo dhinaca sharciga iyo xukunkiisa ah, ma arko sida [Trump] uu horay ugu socon karo. Laakiin beddelka cod-bixiyayaashu waa Joe Biden, taasina ma aha beddel la aqbali karo naftayda ama kuwa kaleba.

Marka la arko arrimaha Biden waxaan u janjeera dhanka Trump, waxaana laga yaabaa inaan mar kale taageero isaga. Markaan aragno siyaasadaha Biden iyo sida uu u dhaqmayo, uma maleynayo inuu haysto karti ama awood uu ku qabto shaqada muddo dheer. Xadka da’diisu wuxuu garaacayaa xuduuda, Dhaqaaluhu waa uun urayaa.

Waxaan u maleynayaa in Trump uu noqon doono mid aargoosi ah. Tani waa maalin u xun Ameerika. Waxaan ka gudubnay meel aah la gaadhin. Haddii uu guuleysto, waxaan u maleynayaa inuu bilaabayo inuu ciqaabo dadka.

Ma jirto si aan madaxweyne ahaan ugu taageeri karo qof dambiile ah oo la xukumay. Trump waa inuu rafcaan ka qaataa oo ku guulaysta in taasi isbedelaan. Laakiin xaqiiqdii uma codeynayo Biden.

Deanna Lusk  oo ah Jamhuuriga madaxa bannaan waxay ku doodaysaa in Maxkamadeyntan ay ahayd mid siyaasadeysan. Waxay rumaysan tahay in eedeymaha Trump iyo wakhtiga laysku soo beegay  waxay sheegtay in ay aaminsan tahay in garsoorka eexi ku jirtay.

Waxay tidhi  “Waxaa hubaal ah in aanay jirin cid sharciga ka sareysa balse waxaan leenahay nidaamkeenu waa eex”.

Ma jiro wax kiiskan ku saabsan oo niyad jebiyey codkayga doorashada November. Anigu waxaan ahay kooxda Kennedy  ee Musharaxa madax-banaan Robert Kennedy Jr sanadka 2024, sababta oo ah waan ku daalay codaynta labada shar (Biden iyo Trump). Dadka Maraykanku waxay u baahan yihiin in lagu qasbo in aanay u codayn labadan haba yaraatee ilaa inta laga helayo musharixiin u qalma xilkayaga ugu sarreeya”.

Ian Gotts waa codbixiye  wuxuu haystaa dhalashada UK iyo USA, doorashadii 2016 waxa uu u codeeyey Trump, laaakiin markii la gaadhay doorashadii 2020 oo Trump mar kale tartamay wuu ka leexday, waxa uu ka hadlayaa go’aanka waxa uu yidhi “ Aad baan uga yaabay waxa dhacay. Dad ayaa bannaanka u soo baxday, qof  oo ugu farxay sidii Koobka Adduunka”.

“Waan la yaabay sababta oo ah, markii Cohen uu taagnaa marag furka waxaan u maleeyay in aan lahayn caddayn ku filan oo ku saleysan xaqiiqda. Markaa waxaan is idhi in aan la xukumi doonin.

Ma dhahayo ma aanu helin maxkamad cadaalad ah, laakiin waxaan leeyahay saamayn weyn ayaa jirtay. Waxa muuqata kala fogaanshaha qotoda dheer ee dalkan ka dhex taagan xisbiyada Dimuqraadiga iyo Jamhuuriga. Aad ayay u kala fog yihiin wax walba”.

Si daacadnimo ah, waxaan wali u maleynayaa in Trump uu ku guuleysan doono Noofambar. Ma garanayo in xukunkani uu wax isbeddel ah samaynayo. Waxaan kala dooranaynaa madaxweyne ay caddahay in uu aad uga da’ weyn yahay in uu qabto shaqada aduunka ugu awooda badan, iyo nin dambiile ah oo la xukumay.

Aniga ahaan, ma garanayo…ma filayo in aan codayn doono”.

Cat Luis waa codbixiye Jamhuuriga oo mayal adag waxay ku taagan tahay u codaynta Trump waxa kasta oo dhaca waxay tidhi iyada oo xukunka ka hadlaysa “Trump oo ah nin ku shaqeysta ganacsi ku kacaya  balaayiin dollar, waxa denbi loogu helay keliya sidii uu lacag siiyay qareenkiisa gaarka ah. Tan waxa suurtageliyay markhaatiyo ka yimid ilo aan la isku hallayn karin sida Michael Cohen iyo Stormy Daniels.

Cohen kumanaan kun oo doolar ayuu ka xaday cidii uu u shaqayn jiray, been buu u sheegay Congress-ka  kiiskana, waxaan u maleynayaa inuu been ku sheegay goobta markhaatiga. Daniels iyaduna waxay bedeshay sheekadeeda, maaha hal mar laakiin dhowr jeer.

Maanta waxay tani calaamad u tahay meel kale oo Maraykanku hoos ugu dhacay. Maxkamadeyntani kamay dhigin wax lagu qoslo oo kaliya nidaamka garsoorka, waxay muujisay in aynaan sii haysan nidaam doorasho oo cadaalad ah, marka aynu ogolaano in siyaasiyiintu ay daba galaan kuwa kaga soo horjeeda siyaasadda, la fuliyo dacwaddo khiyaamo ah iyada oo la adeegsanayo garsoor Dimuqraadiga u janjeedha”.

Iyada oo sii wada waxay tidhi “Xukunkan ayaa iga dhigay inaan u codeeyo Trump xitaa in ka badan bisha Nofembar”. Cat Luis waxay qabtaa in xukunkani yahay mid lagu fashilinayo musharaxnimada Trump.

Paul Kramer waa cod bixiye madax bannaan weli waxa uu eegayaa cida uu taageeri doono iyo sida uu u kala dooran doono isaga oo ka hadlaya xukunkana waxa uu yidhi “ Xukunkani waa astaan ​​taariikhi ah oo soo martay Maraykanka. Waxay muujinaysaa in aanu qofna sharciga ka sarreyn, iyada oo loo eegayn meeqaamkiisa iyo saamayntiisa.

Maxkamadeyntu waxay raacday habraac cadaaladeed. Xeerbeegtidu waxay gaadheen go’aan loo dhan yahay. Habka sharcigu wuxuu ahaa mid dhamaystiran oo dhexdhexaad ah. Taasi waa sida saxda ah ee ay tahay inay u shaqeyso.

Laakiin dib u qaadista, iyada oo isla xisaabtanku uu muhiim yahay, wakhtiga iyo nooca eedeymahan ayaa u muuqda inay la socdaan ajandayaal siyaasadeed oo ballaadhan. Dadka ku khilaafsan xukunka ma aaminsana nidaamka cadaaladda. Taasi waa waddo badan oo taageerayaasha Trump ay mari doonaan.

Trump wuxuu wadaa inta badan kala qaybsanaanta Ameerika xilligan. Saldhigiisa taageerada ayaa sii xoogaysanaya, oo bidixda ka sii socda. Markaa kala qaybsanaantu way sii kordhaysaa, waddankuna wuxuu noqonayaa mid cabsi ku sii kordhayso. Xukunkani waxba kama beddelo codkayga”.

Donald Trump ayaa lagu helay dembi ka dib markii Khamiistii dacwadiisa la hor geeyey xeerbeegtida dacwaddiisa qaadaysay ee New York, waxaanay ku heleen dhammaan 34 dacwadood ee lagu soo oogay.

Eedeymahan oo dhami waxay la xidhiidhaan been abuurka diiwaankiisa ganacsi si uu u qariyo lacagihii la siiyay haweeneyda lagu magacaabo Stormy Daniels oo ah haweeney jisha filmaanta aan wanaagsaneyn, lacagtaasi ayaa sida la sheegay uu Trump ku aamusiinayay ka hor doorashada madaxweynaha 2016-ki.