Koomiishanka Doorashooyinka Qaranka JSL oo Digniin u Diray Xisbiga Kulmiye

0
59

Hargeysa (Dawan) Koomiishanka Doorashooyinka Somaliland ayaa xisbiga talada haya ee KULMIYE digniin u diray, waxaanay ku eedeeyay in ay faro-galin sharci darro ah ku hayaan shaqooyinka koomiishanka doorashooyinka.

Guddoomiyaha Koomiishanka Doorashooyinka Mudane Muuse Xasan Yuusuf, oo ay hareero fadhiyaan xubnaha kale ee koomiishanka, ayaa xukuumadda iyo xisbigeeda uga digay faragalin uu sheegay in ay ku hayso doorashooyinka.

Waxaanu yidhi “Koomiishanka doorashoooyinka qaranku waxa uu digniin u dirayaa xukuumada iyo xisbiga KULMIYE, oo caadaystay in ay uga hadlaan arrimaha doorashooyinka si siyaasadaysan, oo baalmarsan qawaaniinta iyo shuruucda doorashooyinka”

Waxa uu sheegay in xukuumadu ay xad gudub u gaysatay hawlaha iyo masuuliyada koomiishanka, isla markaana waxa uu xusay in hawl aanay shaqo ku lahayn ay ka dhigteen wax ay ku ololleeyaan, isaga oo u digay wasiiro aanu carabaabin.

“Waxaanu sigaar ah digniin ugu diraynaa wasiirada iyo madaxda xisbiga KULMIYE oo muddooyinkii u danbeeyay olole siyaasadeed ka dhigtay hawlaha guddida doorashooyinku gacanta ku hayaan”

Waxa uu u soo jeediyay dhamaan daneeyayaasha dooraahooyinka in ay u hoggaansamaan shuruucda doorashooyinka, isaga oo ku goodiyay in ay talaabo sharci ka qaadi doonaan cidii ku xadgudubta madaxbannaanida koomiishanka.

Waxaanu yidhi. “Maadama lagalay wakhti doorasho oo xasaasiya waxaanu dhammaan daneeyayaasha doorashooyinka ku wargelinaynaa in loo hoggaansamo shuruucda doorashooyinka, lana dhowro madax bannaanida guddida doorashooyinka Qaranka.

Haddaba cidkasta oo ku kacda arrimo baalmarsan xeerarka doorashooyinka, guddida doorashooyinku waxa ay ka qaadi doonaan tallaabo sharci oo ku habboon,”