Masuuliyiinta Dowladda hoose ee Caasimada oo Warbixin ka Dhageystay Agaasimaha Cisbitaalka guud ee Hargeysa

0
90

Hargeysa (Dawan) Duqa caasimadda Hargeysa Mudane Cabdikariin Axmed Mooge iyo xoghayaha Fulinta Dawladda hoose Siciid Nuur Jaamac, ayaa kormeer indho indhayn ah ku tagay cisbitaalka guud ee magaalada Hargeysa.

Kormeerkan ayaa salka ku hayay soo indha indheynta olole dowladda hoose ka fulisay cisbitaalka, kaas oo ay dhirtii Garanwaaga ahayd ee cisbitaalka caqabada ku ahayd ay kaga banaysay, sidoo kale waxa ay ka buufiyeen kaneecada dhalisa xumadda halista ah ee maalimahan aadka ugu faafaysa iyo gudaha magaalada Hargaysa.

Geesta kale maayerka iyo xoghayaha fulinta dowladda hoose ee Hargeysa, ayaa warbixin la xidhiidha baahiyaha cisbitaalka ka dhageystay agaasimaha guud ee cisbitaalka, waxaaney u balanqaadeen inay la shaqayn doonaan isla markaana ay wax kala qaban doonaan wixii baahiyo ah ee jira.

Dhanka kale waxa ay xuseen in dowladda hoose markasta heegan ugu jirto inay bulshada u adeegto, isla markaana ay diyaar u tahay inay bulshada wax ugu qabato sida ugu habboon.