Kulmiye Laba Jeer ayuu Ku Guulaystay Doorashada Madaxwaynaha Markana Wuu Ku Guulaysanayaa” Samaale

0
60

Sheekh (Dawan) Weftigii ka socday hoggaanka xisbiga KULMIYE oo safar ku marayay gobolada Bariga Somaliland ayaa oo si weyn loogu soo dhaweeyey degmada Sheekh ee gobolka Saaxil.

Wefigan oo uu hogaaminayo gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Cabdicasiis Samaale iyo masuuliyiin kale ayaa ka soo noqoday safar ay ku marayeen gobolada Sanaag, Togdheer, Daad Madheedh iyo Saraar, waxaana shalay si wayn loogu soo dhaweeyay magaalada Sheekh, halkaasi oo ay bulshadu ku qaabileen weftiga jawi aan loo kala hadhin.

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye Cabdicasiis Samaale oo goob faagaare ah kala hadlay bulshadii soo dhawaynaysay ee reer Sheekh, ayaa waxa uu aad uga mahad celiyay soo dhawaynta wanaagsan ee ay ku qaabileen weftigooda iyo sida aanay ugu kala hadhin yar iyo wayn ba.

Cabdicasiis Samaale gudoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga Kulmiye ayaa bulshada reer Sheekh uga waramay safarkood ay iyo waxa uu daaran yahay, waxaanu xusay inuu safarkan ahaa mid guul u soo hooyay Kulmiye isla markaasina ay ku biireen xisbiga masuuliyiin kala duwan.

Dhinaca kala gudoomiye Samaale ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in qaar ka mid ah masuuliyiinta xisbiyada Qaranku ay ku ololeeyaan aflagaado iyo cay loo gaysanayo madaxda qaranka oo uu ugu horeeyo madaxwaynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, waxaanu sheegay in ficilada ay ku tilmaamayaan madaxda qaranka inay iyagu ku sifoobeen oo ay leeyihiin, waxaanu tilmaamay in aanay masuuliyiinta Kulmiye ka suurtogalin inay aflagaadeeyaan masuuliyiinta Xisbiyada, waxaanu sheegay inay yihiin tartamayaal la tartamaya oo ka ceeb la’a.

Gudoomiye Cabdicasiis Samaale ayaa waxa uu ka waramay guulihii uu ka soo hooyay xisbiga Kulmiye doorashooyinkii dalka ka dhacay ee uu ku guulaystay hogaaminta dalka iyo taladiisa, waxaanu xusay in doorashadana uu hogaanka iyo talada dalka ku guulaysayano xisbiga talada haya ee Kulmiye waxaanu yidhi

“Waa og tihiin laba jeer ayuu xisbiga Kulmiye ku guulaystay doorashada Madaxwaynaha, mar sadexaadna dirqi baa lagaga badiyay, kan afraadna imika isagaa ku guulaysanaya oo hubaal weeye, waxana hubaa ka dhigaya ILLAAHAY oo aynu ku kalsoon nahay iyo shacbiga aynu arkano oo codkooda siinaya Kulmiiye, codka miyaa lagu bixiyaa cay iyo xumaan, waa maya.

Inaga reer Somaliland waa isugu keen mid waana dad walaalo ah, balse qofka geediga runta ah raraya waa la og yahay, ka hagar daamada iyo dhibtana kuwada waa la og yahay dadkuna il dheer bay wax ku arkaaan, waxay arkayaan halka laga soo hayaamay, waxay arkayaan halka loo socdo, waxay arkayaan halka la joogo, codkooduna marnaba qaldami mayo”.