Madaxweyne Ku Xigeenka oo Boggaadiyay Hooyooyin Koriyay Ubad Waayay Daryeelka Waalidkood

0
67

Hargeysa (Dawan) Madaxweyne ku xigeenka JSL, Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa ka qayb galay munaasibad hay’adda SOS Children’s ku Maamuustay Hooyooyin muddo 10 sanadood ka badan korinayay Carruur waayay daryeelka waalidnimo.

Hooyooyinkan oo muddo toban sano ka hawlgalayay hay’adda SOS, ayaa la gudoonsiiyay faraagiil Dahab ah, iyo shahaado sharafyo lagu soo sameeyay dalka Ustareeliya, sidoo kale waxa la damaanad qaaday noloshooda iyo caafimaadkooda, waxaaney hay’addu sheegtay in mushaharkoodu u sii socon doono.

Munaasibadan oo ka dhacay xarunta tuulada carruurta ee SOS, ee magaalada Hargeysa, waxa ka soo qayb galay masuuliyiin kala duwan, madaxda hay’adda iyo marti sharaf kale.

Madaxweyne ku xigeenka Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici), ayaa sheegay in hay’adda SOS, ku ammaanan tahay sida ay u maamuustay hooyooyinka mudada dheer ku soo tabcayay carruurta yar yar, waxa uu intaas ku daray in koriinshiyaha ubadka ay markasta ku hawlan yihiin hooyooyinku, balse doorkii aabanimadu ay meesha ka maqan tahay inta badan.

Waxaanu yidhi. “ILLAAHEY ba mahad iska, waxaan u mahadnaqayna hay’adda SOS, oo xil weyn u haysa bulshada reer Somaliland, gabadha walaasheen ee haysata bariga iyo Koonfurta Afrika ee hay’adda SOS, una timid abaalmarinta iyo maamuska hooyooyinkan, waanu idin garab taaganahay markasta waanad mahadsan tihiin

Tobanka hooyo ee inta joogta iyo inta Xajka tagteyba ee halkan lagu maamusayo sharaftooda iyo hawsha ay soo qabteen iyo daryeelka ay u soo sameeyeen carruurta kala duwan, ee ku noolayd tuuladan la yidhaahdo SOS, waan ku faraxsanahay in hadiyadaha qaaliga la idinku maamuso, hooyo qiimaha ay leedahayna waanu qirsanahay, marwadeydu waa hooyo 8 carruura korinshiyahooda gacanta ku haysa, anigu 25 sano ayaan siyaasada galay koriimada iyo daryeelka caruurteydaba iyada gacanta ku haysa,”

Madaxweyne ku xigeenku waxa uu xusay in haweenka Soomaaliyeed ay dheer yihiin haweenka kale adduunka adkeysiga hooyo’nimo.

Waxaanu yidhi. “Odayaasha Soomaaliyeed waxay ku mashquulsan yihiin inta badan balwadaha qaadka, qabyaalada balse hooyadu iyada dhabarka ku sidata ubadka, daryeesha, korisa waana inta haweenka Soomaaliyeed dheer yihiin haweenka kale adkeysiga hooyonimo,”

Masuul sare oo ka tirsan hay’adda SOS, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay dhiirigelinta haweenka ka shaqeeya koriinshaha waayay daryeelka waalidnimo.

Hooyo Canab Cumar ayaa hay’adda SOS uga mahadcelisay abaalmarinta iyo balanqaadka ay u sameeyeen, waxaanay tilmaantay in ay waajibkooda guteen.