Somaliland iyo Kenya oo ka Wada Hadlay Fursadaha Maal-gashiga iyo Warshadaynta Gobolka

0
62

Hargeysa (Dawan) Wasiirka wasaaradda horumarinta maalgashiga iyo warshadaha JSL, Mudane Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed iyo Agaasimaha guud ee wasaaradda Mudane Cabdikariim Muuse Maal, ayaa xarunta wasaaradda ku qaabiley masuuliyiin ka socday safaaradda Kenya xafiiskeeda Somaliland.

Waftigaan oo uu hoggaaminayay Amb. Cabdiweli Maxamed Xuseen, madaxa Qunsuliyadda Kenya ee Somaliland, waxaana kulankan ku wehelinayay saraakiil ka tirsan Safaarada Kenya ee Somaliland.

Kulankani intii uu socday wasiirka iyo safiirku waxay ka wada hadleen iskaashiga Somaliland iyo Kenya ee horumarinta dhaqaalaha, fursadaha maalgashi iyo warshadaynta gobolka iyo sidii la isga kaashan lahaa in la hirgaliiyo fursadahaasi labada dhinacba.

Wasiirka ayaa sheegey in uu soo dhaweynayo muwaadiniinta reer Kenya ee daneynaya inay Somaliland ka hirgeliyaan mashaariico maalgashi, waxaanu xusay in uu u fududayn doono wax kasta oo laf-dhabar u ah dhammaan adeeg bixintooda maalgashigi oo ay ku jiraan mashaariicda iskaashiga dawladda iyo ka gaarka ah ee Somaliland.

Kulankan labada dhinaca waxa la isla qaatay in la isla qabto wax kasta oo ay ku hirgalayaan in la helo maalgashi iyo wershadaynta gobolka si loo helo dhaqaale iyo wax-soo-saar.

Gebo’gabadii kulnakan ayaa ku soo dhammaaday jawi degan oo ay ka muuqato wada xaajood labada dhinaca ah iyo in la isla qaatay qodobadii muhiimka ahaa ee uu kulankan daarnaa.