Daraasad cusub: Maroodiga Afrika oo leh Magacyo Gaar ah oo ay Isugu Yeedhaan

0
60

Maroodiga Afrikaanka ah ayaa isku yeedha magacyo gaar ah, iyada oo ka magaciisa loogu yeedhaana uu ka jawaabo taas oo noqotay arrin naadir ku ah xayawaanka duurjoogta ah, sida ay muujisay cilmi-baadhis cusub.

Magacyada waxay ku muujiyaan dhawaaqyo hoose oo hadna laga maqli karo masaafo dheer oo ka gudbata savaanaha ay ku nool yihiin. Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in hab-dhaqankan magac-bixintu ay aad ugu badan tahay xayawaanka leh qaab-dhismeedka bulshada iyo qoysaska oo markau kala tagaan dib isu yeedha.

“Maroodigu waa xayawaan bulsho, had iyo jeer way wada xidhiidhaan oo wada hadlaan.  – Magacayada ay isugu yeedhaan waxay u badan tahay inay tahay mid ina tusaysa awoodda ay u leeyihiin inay u wada xidhiidhaab si shakhsiyaadka,” ayuu yidhi George Wittemyer oo cilmi-nafsiga yaqaanka kana tirsan Jaamacadda Gobolka Colorado, sidoo kalena ah la-taliyaha sayniska ururka aan faa’iido doonka ahayn Badbaadinta Maroodiyaasha.

Hab raac magac bixineed waxa leh Bini’aadamka, bixineed Eyda, dhallaanka yar yar ee dolphin-yada iyo Shimbiraha baqbaqaaqyada. Xayawaanada noocyadan ah ee magacyada leh waxaan kale oo baran karaa inay ku dhawaaqaan dhawaaqyo cusub oo gaar ah inta ay nool yihiin.

“Si la mid ah dadka, maroodiyadu waxay isticmaalaan magacyo, laakiin inta badan uma isticmaalaan magacyada inta dadku isticmaalaan, kama fileyno 100%,” ayuu yidhi qoraaga daraasadda iyo cilmi-nafsiga Jaamacadda Cornell Mickey Pardo.

Daraasadan oo lagu daabacay warsidaha Nature Ecology & Evolution ayaa sheegaysa in Khubarada yaqaana cilmiga noolaha ay daraasadan u isticmaaleen barashada mashiino lagu duubay dhawaaqayo laga soo ururiyey beerta Keydka Qaranka ee Samburu-Kenya iyo Beerta Qaranka ee Amboseli. Cilmi-baadhayaashu waxay sidoo kale raaceen maroodiyaasha iyaga oo ku xidhay qalab duubaya xidhiidhkooda markay isu yeedhayaan iyo jawaabahooda. Hooyadu waxay u yeedho ilmaheeda ama ta ugu weyn Maroodiyada dhadig si aanay u kala hadhin socodka kooxdu.

Maroodiga ayaa si firfircooni badan uga jawaabay cajalado magacyadooda lagu duubay oo la maqashiiyey, iyaga oo dhegaha ruxaya gacankoodana kor u qaadaya.