In ka badan 50 qof ayaa dhintay Dooni tahriibayaal siday oo ka tagtay Boosaaso ku qarqoontay Yemen – IOM

0
75

Ugu yaraan 50 qof oo ka soo jeeda Geeska Afrika ayaa ku dhintay doon ay saarnaayeen oo ku degtay xeebaha dalka Yemen, sida ay sheegtay hay’adda socdaalka u qaabilsan Qaramada Midoobay ee IOM.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah lix carruur ah iyo 31 haween ah. Dadka badbaaday ayaa u sheegay samatabbixiyeyaasha in ay doonida saarnaayeen 260 muhaajiriin ah ka hor intaanay dabeylo xooggan ku helin Rudum oo Yamen ah.

Waxaa socda baadigoobka 140 qof oo weli la la’yahay. Doonta oo ka baxday magaalada Boosaaso ee Soomaaliya Axaddii, waxay  siday 115 qof oo Soomaali ah iyo 145 Itoobiyaan ah, taas oo qayb ka ah tahriibka Geeska Afrika ee dhawaanahan ku sii kordhayay Yemen, sida ay sheegtay IOM.

Maamulka deegaanka Rudum ee bariga Cadan ayaa sheegay in dadka doonida la socday ay ahaayeen dad tahriibayaal ah oo Yemen ka dhigta marin ay ku gaadhaan dalalka Khaliijka.

Sida laga soo xigtay IOM, tobanaan kun oo qof ayaa isku daya sanadkiiba safarka, iyaga oo ka sii gudbaya badda Geeska Afrika ilaa Yemen kadibna u sii socdaalaya Sucuudiga ama dalal kale ee dhaqaalaha leh.

Haadi al-Khurma, oo ah agaasimaha degmada Rudum ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in doontu ay degtay ka hor intaanay soo gaadhin xeebta.

Kalluumeysatada iyo dadka deegaanka ayaa ku guuleystay inay badbaadiyaan dad badbaaday, kuwaas oo sheegay in tahriibayaal badan oo isla doonida ah la la yahay, sida uu sheegay Mr al-Khurma.

“Baadigoobka weli wuu socdaa, Qaramada Midoobayna waa lagu wargeliyay dhacdada,” ayuu yidhi.

IOM ayaa sheegtay in howlgallada baadigoobka iyo samatabbixinta ee socda ay caqabad ku noqotay yaraanta doomaha ilaalada ee hawlgalka ah.

Waxay sheegtay inay gargaar siinayso 71 qof oo badbaaday, oo ay ku jiraan lix carruur ah, iyada oo siddeed muhaajiriin ah loo gudbiyay isbitaalka.

War qoraal ah oo uu soo saaray Salaasadii, afhayeenka IOM Mohammedali Abunajela wuxuu ku yidhi “masiibadii waa dhacdo kale oo xasuusinaysa baahida degdega ah ee loo qabo in laga wada shaqeeyo wax ka qabashada socdaalka degdega ah ee tahriibeyaasha”.

Sida ay sheegtay Qaramada Midoobay 97,000 oo tahriibayaal ah ayaa sanadkii hore gaadhay Yemen, kuwaas oo ka yimid Geeska Afrika. Hay’addu waxay sheegtay in ay sabab u yihiin xasillooni-darro siyaasadeed iyo mid dhaqaale, abaaro iyo cimilo-xumo kale oo dalalkooda ka jira.

Tirada muhaajiriinta imanaya Yemen sanad walba ayaa saddex jibaarantay qiyaastii 27,000 sanadka 2021 ilaa in ka badan 90,000 sanadka 2023, ayey tidhi IOM. Korodhka ayaa dhacay inkasta oo dagaalka Yaman uu ka socdo iyo weeraradii ugu dambeeyay ee Xuutiyiinta ay ku qaadeen maraakiibta marayay badda cas.

Socdaalku waa mid halis ah: Ilaa 2014, IOM waxay diwaan galisay 1,860 tahriibayaal ah oo ku dhintay iyo kuwa la la’yahay inta ay marayeen marinka Bariga Afrika iyo Geeska Afrika ee u socda Khaliijka, oo ay ku jiraan 480 qof oo qarqoomay.