Wefti Ka Socda Kongereeska Maraykanka Oo Booqday Magaaladda Berbera

0
155

Berbera (Dawan): Wefti  ka socda Kongereeska dalka Maraykanka oo booqasho ayaa  xaqiiqo raadinta ah ku joogay Somaliland ayaa shalay booqday magaaladda Berbera gaar ahaana dekadda iyo saldhiga ciidamadda Badda.

 

Intii weftigani ay ku sugnaayeen magaaladda Berbera waxay booqdeen goobo ay ka mid yihiin taliska ciidanka ilaaladda xeebaha Somaliland ee magaaladda Berbera, halkaasoo uu ku soo dhaweeyay taliyaha ciidanka ilaaladda xeebaha Axmed Hurre Haariye, iyo sidoo kale saraakiisha taliska ciidankaasi ee Berbera.

Waxaana xubnahan weftigani sharaxaad laga siiyay habka uu ciidanka ilaaladda xeebuhu u shaqeeyo, iyo waxyaabaha u qabsoomay mudadda uu ciidankaasi jiray.

Waxaanay weftigu socdaal kormeer ah ku mareen saldhiga ciidanka ilaaladda xeebaha, iyo sidoo kale dekadda Berbera, iyagoo sidoo kalena booqday xeebta magaaladda Berbera. Iyadoona uu halkaa sharaxaad iyo macluumaad ku siiyay taliyaha ciidanka ilaaladda xeebaha Axmed Hurre Haariye.

 

Wasiirka Arrimaha dibadda Somaliland Ciise Kayd Maxamuud, oo weftigan ku wehelinayay safarkoodda kormeerka ah ayaa isna si guud uga warbixiyay horumarka ay Somaliland gaadhay sodonkii sanadood ee u danbeeyay gaar ahaana dhinacyadda dhaqaalaha, amaanka, iyo horumarka kale ee ganacsiga.

Dr. Ciise Kayd, ayaa weftigan Maraykanka ah si gar ah ugu sharaxay horumarka balaadhan ee ay  sanadihii u danbeeyay samaysay dekadda magaaladda Berbera.

 

Geesta kale weftigan ka socday Kongereeska Maraykanka ayaa intii ay ku sugnaayeen magaaladda Berbera, waxay ku soo mareen kormeerkoodda xarunta degmadda ama dawladda hoose ee Berbera, iyo goobo kale oo xarumo dawladeed ah oo muhiim ah oo ku yaalla gudaha Berbera.

Waxaana weftigaasi halkaa warbixino ku siiyay badhasaabka gobolka Saaxil, iyo sidoo kale maayarka magaaladda Berbera, kuwaasoo u sharaxay horumarka dhismeyaasha iyo maamul ee ay xarumahaasi ka hirgeliyeen.

 

 

Weftigan ka socday Kongereeska Maraykanka oo maalmahanba socdaal shaqo ku joogay jamhuuriyadda Somaliland ayaa sidoo kale waxaa habeen hore casho sharaf magaaladda Hargaysa ugu sameeyay wasiirka arrimaha dibadda Somaliland, iyadoona cashadaasi ay goob joog ka ahaayeen wasiir ku-xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda, iyo masuuliyiin kale.