Agaasimaha Wasaaradda Caafimaadka oo Dhagax Dhigay Cisbitaalka Maanka ee Boorama

0
57

Borama (Dawan) Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta Caafimaadka Somaliland DR. Maxamed Cabdi Xergeeye ayaa dhagax dhigay dhismaha cisbitaalka Maanka ee Borama.

Xafalada dhagax dhiga cisbitaalkan ayaa waxaa ku wehelinayay Badhasaabka gobolka Awdal, Isu’duwayaasha wasaaradaha horumarinta Caafimaadka iyo Hawlaha Guud, Sidoo kale iyaguna waxaa goob joog ahaa maamulka waaxda Caafimaadka Maanka ee gobolka Awdal iyo madaxa waaxda, dhulka laga dhisayo cisbitaalka Maanka ee oo Boorama oo ah dan guud ayaa wasaarada Hawlaha Guud ee gobolka Awdal ay si rasmiya ugu wareejisay Agaasimaha guud ee wasaarada Horumarinta Caafimaadka Somaliland Dr. Maxamed Cabdi Xergeeye.

Waxana isla goobta laga balan qaaday in la bilaabayo wajiga koobaad ee dhismaha oo ay dhisi doonaan hablo qurbo joog ah oo ku midoobay ururka gurmad, sidoo kale Agaasimaha guud ee wasaarada horumarinta Caafimaadka ayaa isaguna balan qaaday dhankiisa in ay dhamaystirayaan dhismaha cusbitaalkan, waxaanu bogaadiyay hablahaasi is xilqaamay ee bilaabaya dhismaha cisbitaalka Maanka Boorama, waxaanu sheegay in ka wasaarad ahaan ay dhamays tiri doonaa cisbitaalkan.

Badhasaabka Gobolka Awdal iyo dhamaanba masuuliyiintii hadalka isaga danbaysay ayaa dhankooda ku amaanay bulshada Reer Awdal wax wada qabsiga iyagoo sidoo kalena ku dhiirigaliyay in ay udiyaar garoobaan dhismaha cisbitaalka Dhimirka ee Borama.