Furaha Farajku Waa Sabirka!

0
95

Dhibtaada ugu halista badan ee qof ku dhacdaa, waa isagoo male xun ka aamina naftiisa.
Dad badan ayaad ka maqlaysaa kelmadahan: ma Awoodo arinkaasi, ma Karayo, xitaa hadaan sidaa yeelo waan qaldamayaa, waan Fashilmayaa.
Kelmadahaasi waxay ka khatar badan yihiin dagaal foolka-fool ah oo hub iyo rasaas la isu adeegsado. Isku dey inaad warqad iyo qalin soo qaadato ka dibna aad qorto wax kasta oo aad hore u tidhi ma awoodo, kuna hoos qor waan awoodaa; naftaadana ku kalsoonow.
Horaa loo yidhi โ€œ Arrin kasta wuxu ku bilowdaa yaraan, ka dibna wuu koraa oo weynaada ilaa Masiibada mooyee. Iyadu waxay ku bilaabantaa weynaan ka dibna way yaraataaโ€. Shay kastaana marka uu bato wuu jabaa oo rakhiis noqdaa , edebta mooyee, iyadu way qaaliyowdaaโ€. Dadaal, sabir oo sug guusha iyo faraka.
โ€. Rasuulka Allah (scw) wuxuu yidhi: โ€œ Cibaado waxa ugu fadli badan: farajka oo la sugoโ€ Waxa weriyay Tarmadi.
Carabtuna waxay tidhi: โ€œ Xadhigu markuu adkaado, ugu danbaysta wuu goโ€™aaโ€, oo loola jeedo, arimuhu marka ay adkaadaan waxaad sugtaa waa farajkii Allah (sw) iyo albaab ka furma.
Guushuna waa goโ€™aanka saxda ah ee ka dhasha waayo argnimada ay sababtu guuldaradu.