Madaxda Dhaqanka Ceerigaabo oo Soo Dhaweeyay Dhismaha Jidka Buur-leyda Cirshiida

0
87

Qore: Boqore Axmed Cabdi

Ceerigaabo (Dawan) Wax-garadka degamada Ceerigaabo ayaa soo dhaweeyay dhismaha Wadada Bohol ee Buuro-layada Dahabka ee Cirshiida.

Waxgaradkan ayaa xildhibaan Cabdikariim Meecaad Xuseen, oo ka mid ah mudaneyaasha golaha wakiillada Somaliland, uga mahadnaqay hirgelinta dhisma jidkani, waxaaney sheegeen in markii hore ay adkeyd in gaadiidku maraan ama si fudud bulshadu ugu safraan jidkaasi dhibta badan ee Buuro-leyda ah.

Sidoo kale waxa ay tilmaameen bahda dhaqanku in safarka Ceerigaabo iyo Buuro-leyada Dahabka ee Cirshiida, loo kala socon jiray saddex saacadood, balse hadda lagu gaadhayo laba saacadood gudahood, iyaga oo bogaadiyay dhismaha jidkan oo ay sheegeen in uu noqonayo mid waxtar wayn u leh bulshada iyo guud ahaan dalkaba.

Geesta kale waxa ay ka markhaati kaceen waxqabadka uu degaanka ka qabtay mudadii uu xildhibaanka ahaa, waxaana ay xildhibaanka ka codsadeen in horumarka uu wada gaadhsiiyo guud ahaan gobolka Sanaag.

Jidankani ayaa wax wayn ka tari doona isu socodka Buuro-leyda gobolka Sanaag, waxaanu noqon doonaa mid fududeeya isku xidhka gobolka iyo deegaanada Buuro-leyda ah.