Maroodi mataano dhalay dalka Thailand

0
104

Qaarada Aasiya Maroodi ayaa badhtamaha dalka Thailand waxa uu ku dhalay mataano naadir ah, arrintan ayey  dadka xanaaneeya ku tilmaameen inay tahay mucjiso.

Hooyadan Maroodiga ah oo da’deedu tahay 36 jir laguna Chamchuri la fileyn in ay umusho laba mataano ah, laakiin jimcihii la soo dhaafay ayey markii hore dhashay Ilmo lab ah, shaqaalaha beerta xayawaanka ee Ayutthaya Elephants Palace and Royal Kraal waxay filayeen in dhalmadii dhamaatay.

Waxay nadiifiyeen ilmihiii hore oo ay ku caawinayaan in ay cagaha ku istaagto, waxay maqleen jug weyn waxay garteen in Chamchuri ay dhashay ilme labaad, oo dhadig ah.

Dhalashadii labaad xitaa hooyada ku ridday argagax, daryeelayaashuna waxay ku qasbanaadeen inay xakameeyaan hooyada si ay uga ilaaliyaan inay u timaado ilmaha dheddigga ah. Mid ka mid ah daryeelayaasha ayaa ku dhaawacmay isaga oo ka ilaalinaya Maroodiga inay dib u soo jeesato.

Muuqaalo la yaab leh oo la soo bandhigay baraha bulshada ayaa muujinaya dad badan oo daryeelayaasha ka mid ah oo si waali ah u kala saaraya ilmaha dheddigga ah iyo hooyada, iyada oo dhiigii dhalmadu uu weli ka muuqdo lugaheeda dambe.

Mataanaha ayaa inta badan nadir ku ah dhalamada Maroodiga, waxaana lagu tilmaamaa boqolkiiba hal boqolkiiba, waxaana sii nadir ah in ay dhallaan lab iyo dheddig, sida ay sheegtay Save the Elephants, oo ah hay’ad cilmi baadhis ah.

“Mar aan soo saarnay ilmihii labaad ee maroodiga oo aan ka fogaynay hooyada, Ilmihii ayaa istaagay, dhamaanteen waan ku faraxsanay sababta oo ah waa mucjiso,” Lardthongtare Meepan oo ah dhakhtarka xayawaanka ayaa u sheegay BBC.

“Waxaan had iyo jeer dooneynay inaan aragno mataano maroodi ah, laakiin qof walba ma arki karo tan sababta oo ah inta badan ma dhacaan,” ayay tidhi Ms Meepan, oo ku soo kortay beerta maroodiga, iyada nafteeduna waa hooyo dhashay mataano.

Charin Somwang, oo ah 31 jir mahout ah, ayaa ka jabay lugta isaga oo xakameynaya hooyada.

“Aad ayaan u farxay, ma dareemi karayn xannuunka,” ayuu u sheegay BBC-da, isaga oo intaas ku daray inuu filayey inuu dhaawaca kaliya yahay”.

“Waa wax iska caadi ah in hooyada Maroodigu markay dhasho had iyo jeer waxay isku daydaa inay laaddo ama riixdo ilmaha… Waxaanu ka baqay inay jabiso maroodiga ilmaha yar, markaas ayaan is-hor taagay oo isku dayay inaan hooyada ka celiyo ilmaha yar,” ayuu yidhi Mr Somwang. , kaas oo ka shaqaynayey beerta muddo 15 sano ah.

Maroodiga ayaa lagu tiriyaa inay muqadas u yahay Thailand, halkaas oo dadka intiisa badan ay yihiin Buddhist. Waxaanay y arkaan astaan ​​qaran.

Hooyada Maroodiga ah iyo mataanaha yar yar ayey  Xarunta Maroodiyada ee Ayutthaya and Royal Kraal ku soo bandhigayeen si toos ah baraha bulshada. Waxaa loo magac bixin doonaa toddobo maalmood ka dib dhalashadooda sida waafaqsan dhaqanka Thai.

Beerta ayaa sheegaysa in maroodiyadeeda laga soo badbaadiyay waddooyinka oo ay wareegi jireen Sannadkii 1989-kii.

Magaalada Ayutthaya oo ah caasimadii hore ee Thailand, qaar ka mid ah maroodiyaasha ayaa dhabarka ku qaadi jiray dalxiisayaadh si ay u gaadhsiiyaan buuro macbadyo ah iyo goobo taariikhi ah.

Ilaaliyeyaasha ayaa ka soo horjeeda fuulitaanka maroodiga iyaga oo dheegay in ay xad gudub ku tahay Maroodiga.

Maroodiga Aasiya waa uu yaraaday iyada oo ay ugu wacan tahay ugaadhsiga, ganacsiga sharci darrada ah iyo deegaankii oo dadku ka qaaday, sida uu qabo Ururka Caalamiga ah ee Ilaalinta Dabeecadda.

BBC/Benjamin Begley

BBC/Benjamin Begley

Dhanka kale, dadka booqanaya beerta  xayawaabka ee Ayutthaya ayaa batay si ay u arkaan ilmaha mataanaha ah, waxaabay sugayaan magacyadooda.