Taalibaan oo ogolaatay inay ka qaybgasho shirka 3aad ee Doha ee Qaramada Midoobay iyo Taliban

0
105

Xukuumadda Taalibaan ee Afgaanistaan ​​ayaa sheegtay Axaddii inay wafdi u diri doonto shirka Qaramada Midoobay ee looga hadlayo Afgaanistaan, kaas oo socon doona muddo laba maalmood ah, kaas oo lagu wado inuu ka furmo magaalada Doha ee dalka Qatar, 30-ka bishan June.

Tani waxay noqon doontaa markii ugu horeysay ee hogaamiyayaasha Afgaanistaan ​​​​ay ka soo qeybgalaan shir ay isugu imaanayaan ergo caalami ah iyo Afgaanistaan ​​tan iyo markii Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Antonio Guterres uu bilaabay geeddi-socodka arrintan muddo sanad ka hor ah, kaas oo looga golleeyahay in lagu horumariyo hab caalami ah oo isku xidhan oo loo helo la macaamilka Taliban.

Zabihullah Mujahid, oo ah madaxa afhayeenka Taliban, ayaa Axaddii u sheegay talefishin laga leeyahay dalka Afgaanistaan ​​in dowladooda ay wada hadalo gudaha ah ka yeesheen ajandayaasha shirka saddexaad ee Doha, ayna ogolaadeen inay ka qeyb galaan.

“Weftiga tegaya dib ayaan ka soo sheegi doonaa haddii Alle idmo. Waxaanse aaminsanahay in tani ay u adeegi doonto danaha Afgaanistaan,” ayuu Mujaahid ku yidhi wareysigiisa oo ay baahisay TOLO News.

Wuxuu difaacay go’aankaas, mana aanu sheegin wax shuruud ah oo ka soo baxay dowladdooda, isaga oo sheegay inay u arkaan shirarka mid muhiim u ah fududeynta gargaarka bani’aadamnimo iyo maalgashiga Afgaanistaan ​​.

Afhayeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Taliban Abdul Qahar Balkhi ayaa isna markii dambe war rasmi ah oo uu soo saaray ku sheegay in go’aanka ka qeybgalka shirka Dooxa ee soo socda uu ka dhashay wadahadal ay muddo laba bilood ah la lahaayeen Qaramada Midoobay oo ku saabsan ajandaha iyo liiska ka qeybgalayaasha.

wuxuu se ka digay in wax isbedel ah lagu sameeyo ajandayaasha, waxaana uu yidhi “Haddii ay jiraan wax isbedel ah oo lagu sameeyo ajandaha iyo ka qaybgalka, waxay si dabiici ah u saamaynaysaa go’aankeena kaas oo aan la wadaagi doono dhammaan dhinacyada wakhtigaas,”.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in kulanka saddexaad ee Doha looga golleeyahay in la kordhiyo xidhiidhka caalamiga ah ee Taliban iyo Afgaanistaan ​​guud ahaan “si isku xidhan, oo isku dubaridan oo habaysan.”

Guterres ma aanu ku casuumin Taliban kulankii ugu horreeya ee Doha ee May 2023, iyo madaxda Afgaanistaan ​​​​waxay diideen martiqaadkii labaad bishii Febraayo ee la soo dhaafay.

Talibanka mayalka adag ayaa waydiistay Qaramada Midoobay intii lagu jiray shirkii labaad ee Doha in ay kaliya u aqoonsadaan wufuuddooda inay yihiin wakiilada rasmiga ah ee dalka. Tani waxay ka dhigan tahay in hogaamiyayaasha bulshada rayidka ah ee Afgaanistaan ​​iyo kuwa u dhaqdhaqaaqa xuquuqda haweenka aan loo ogolaan doonin inay goobjoog ka noqdaan. Maamulka Taliban ayaa sidoo kale doonay kulan dhexmaraya wafdigooda iyo Qaramada Midoobay inuu ahaado mid “heer aad u sarreeya ah.”

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay António Guterres ayaa diiday shuruudaha. Beesha caalamka ma aqoonsana dowladda Taliban, maadaama qaar badan oo ka mid ah madaxdeeda ugu sareysa ay weli saaran yihiin cunaqabateyn la xidhiidha argagixisada.

Ogolaasha  Axaddii ee Taliban ayaa ku soo beegmaysa iyada oo ay jiraan baaqyo joogto ah oo ka imanaya caalamka oo lagu dalbanayo matalaadda haweenka ee miiska kulanka Doha. Laakiin Mujaahidku ma sheegin wax shuruud ah oo uu ku xidhay ka qayb galka shirka dhawaan ka furmi doona magaalada Dooxa.