“Xukuumaddu Mihiimad Weyn ayey Siinaysaa Farsamada Gacanta”

0
69

Qore Khadar M. Dhako

Hargeysa (Dawan) Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa sheegtay in ay ka go’an tahay in ay muhiimad weyn siiyaan horumarinta waxbarashada Farsamada gacanta.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Waxbarashada iyo Sayniska Jamhuuriyadda Somaliland Cabdirisaaq Jaamac Nuur ayaa waxa uu tilmamay in ay dardar galiyeen sanadihii ugu dambeeyay tayaynta waxbarashada farsamada gacanta ee dalka.

Agaasime Cabdirisaaq Jaamac Nuur oo arimahaasi ka hadlayayna waxa uu yidhi “Waxa aan u hambalyaynayaa farsamo-yaqaanada Somaliland u soo baxay, muhiimada waxa weeye in aad wadankiina ku anafacdaan. Dawladu mihiimad gaar ah ayey siinaysaa farsamada gacanta, dadaalada ay qaaday Xuluumadda sannadihii ugu dambeeyay waxa ka mida dardargalinta farsamada gacanta.”

Agaasimaha guud ayaa dhalinyarada u soo jeediyay in ay bartaan aqoonta farsamada gacanta, isaga oo sheegay in ay waxa ay bartaan ay anfacayaan iyaga, waxaanu yidhi “Waxaa ku anfacaya waxa aad gacantaada ku qabsato, waxaana wadamada adduunku ee ku horumaray Warshadaha ay ku gaadheen horumarka markii ay iskaashadeen Farsamoyaqaanka iyo injineerinka, markaa aad ayay muhiim u tahay in la barto farsamo-yaqaanimada iyo farsamada gacanta”.