Ciidamada Israa’iil oo dhaawac Falastiini ah ku xidhay gaadhi dagaal Afkiisa hore

0
111

Milateriga Israa’iil ayaa sheegay in ciidamadooda ay jebiyeen hab-maamuuska kadib markii nin Falastiini ah oo dhaawac ah ay ku xidheen afka hore ee gaadhigooda, xilli ay weerar ku qaadeen magaalada Jenin ee daanta galbeed.

Ciidamada difaaca Israa’iil ayaa dhacdadan xaqiijiyay kadib markii laga soo duubay muuqaal, lagu faafiyey baraha bulshada. Bayaan ka soo baxay IDF ayaa lagu sheegay in ninkani uu ku dhaawacmay rasaas ay isweydaarsadeen ciidamada Isreal iyo koox dablay ah, kaas oo laga shakiyay.

Ehelada ninka la dhaawacay ayaa sheegay in markii uu dhaawacmay ay dalbadeen ambalaas balse ay ciidamadu kaxeysteen, kadibna ay ku xidheen afka hore ee gaadhi dagaal oo Jeep ah kadibna ay kaxeysteen.

Dhibanahan ayaa ugu dambayntii loo gudbiyay Bisha Cas si loogu daweeyo. Ciidamada Isreal (IDF) waxay sheegeen in dhacdadaas la baadhi doono.

Goob joogayaal la hadlay wakaaladda wararka ee Reuters ayaa ku sheegay in uu ahaa nin ka mid ah dadka deegaanka, waxaana lagu magacaabi jiray Mujaahid Azmi.

“Shalay (Sabtidii) ​​intii lagu guda jiray howlgallada ka dhanka ah argagixisada ee lagu soo qab-qabtay dad la raadinayey oo laga shakisan yahay deegaanka Waadi Burqin, argagixisadu waxay rasaas ku fureen ciidamada IDF, kuwaas oo ku jawaabay rasaas,” ayaa lagu yidhi warka ka soo baxay IDF.

“Intii ay is-rasaaseyntu socotay, waxaa dhaawacmay mid ka mid ah tuhmanayaasha oo gacanta lagu dhigay.

“Habdhaqanka ciidamada ee muuqaalka laga duubay ma waafaqsana qiyamka ciidamada IDF, dhacdada waa la baadhi doonaa, waxaana laga qaadi doonaa sida ku habboon, ayaa lagu yidhi warka IDF.

Dagaalka Gaza ayaa socda tan iyo markii uu bilowday dagaalka Marinka Gaza, kaas oo ka dhashay weerarkii dhimashada badnaa ee Xamaas ay ku qaaday koonfurta Israel 7-dii October.