Xafiiska Garyaqaanka guud Shaqadiisu waxay tahay in Maxkamadaha uu ka Difaaco… “Xuseen Jaamac Belel

0
110

Hargeysa(Dawan)Ku xigeenka Garyaqaanka guud ee qaranka  Xuseen Jaamac  Balal ayaa ka hadlay ahmiyada uu u leeyahay qaranka Xeerka Garyaqaanka guud oo Golaha Guurtida ansixiyay.

Xuseen Jaamac  Balal  ayaa waxa uu sheegay in  shaqada xafiiska Garyaqaanka guud ay tahay in Maxkamadaha ka difaaco Xafiiska Garyaqaanka guud dacwadaha madaniga ah ee Xukuumadda lagu dacweeyo iyo la talinta sharciga ah ee Xukuumadda iyo in   faafinta rasmiga lagu soo saaro xeerarka.

Xuseen   Balal oo Arimahaasi ka hadlayayna.Waxa uu yidhi”Waxa Golaha Guurtida uu ansixiyay xeerkii xafiiska  Garyaqaanka guud,waxaana aan u mahadnaqayaa  Golaha  Guurtida.waxaana uu u gudbiyaa  doonaa Golaha Wakiilada  oo waajibaadkooda dastuuriga ayay ka gudan  doonaan.xeerka waa  xeerka  aasaasaya Xafiiska Garyaqaanka guud,kaas oo  shaqadiisu tahay shan qaybood oo ay  ka mid yihiin qabyoqoraalada Xeerarka  Xukuumadda wado oo laga bilaabo xafiiska Garyaqaanka guud,taas oo aanu Golaha Wasiirada hor gaynay talabaad waxa weeye in  faafinta rasmiga lagu soo saaro xeerarka.in Maxkamadaha ka difaaco Xafiiska Garyaqaanka guud dacwadaha madaniga ah ee Xukuumadda lagu dacweeyo iyo la talinta sharciga ah ee Xukuumadda,”.