Dib u Casriyayn Lagu Samaynayo Xarunta Degmadda Gacan Libaax oo la Dhagax Dhigay

0
42

Hargaysa (Dawan): Maayarka caasimadda Hargaysa iyo masuuliyiin kale ayaa dhagax dhigay dhismaha cusub ee loo dhisayo xarunta degmadda Gacan Libaax ee caasimadda Hargaysa.

Waxaana dhagax dhiga munaasibadda dhismahaasi cusub ka qayb galay xubno ka mid ah golaha deegaanka caasimadda Hargaysa, guddiga dib u dhiska xarunta degmadda Gacan Libaax, madax dhaqameed, iyo masuuliyiin kale.

Dhismahan cusub oo la qorsheeyay inuu noqdo mid casri ah ayaa dhaqaalaha dib loogu dhisayo xaruntani waxaa 40% ka mid ah laga soo ururiyay bulshadda ku dhaqan degmadaasi.

Waxaana dhaqaalahaasi lacageed soo ururiyay xubno guddi ah oo ka kooban qaybaha kala duwan ee bulshadda ku nool degmadda Gacan Libaax, kuwaasoo si tabarucaad ah dadweynaha ganacsatadaba dhaqaalahaasi uga soo ururiyay.

Lacagta loo qorsheeyay in dib u casriyayn loogu sameeyo xarunta degmadda Gacan Libaax, ayaa 60%-ka kale waxaa bixinaysa dawladda hoose ee caasimadda Hargaysa, iyadoona ay degmadani noqonayso degmadii lixaad ee dhisme casri ah loo dhiso.

Maayarka Hargaysa C/kariin Axmed Mooge, oo dhagax dhiga dhismahani ka warbixinayay waxa uu yidhi “Waxaa inoo farxad ah in aynu dhagax dhigayno degmadii lixaad, horena waynagii u nidhi Hargaysa iskaashi ayaa lagu dhisayaa, IILAAHAY SWT wuu inoo aqbalay, oo iskaashi ayaynu magaaladeena ku dhisanaynaa, degmo qurux badan oo magaaladda badhtankeedii ah, oo magaaladda qurxisa ayay noqon doontaa.

Waxaan doonayaa iyagana in aan kelmad u hibeeyo guddigii horumarinta degmadda ee dedaalkani bixinayay, oo raggna joogaan raggna maqan yihiin, iyagana waan u ducaynaynaa. Waa na ragg dedaalay, oo 40% kharashka ku baxaya dhismaha degmadda soo ururiyay.

Degmadan Gacan Libaax, waxaa loo yaqaanaa hooyadii degmooyinka, waana degmadii ay reer Hargaysa oo dhami wada lahaayeen” ayuu yidhi maayarka Hargaysa C/kariin Axmed Mooge.

Xildhibaan Siciid Jaamac, oo ka tirsan xildhibaanadda golaha deegaanka Hargaysa oo isna madashii dhagax dhiga ka hadlay ayaa tilmaamay in ay ka gole ahaan dedaal ugu jiraan sidii ay bulshadda caasimadda wax ugu qabanayaan.

Waxaanu yidhi “Reer Hargaysa waxaanu u sheegaynaa intii karaankayaga ah waanu u dedaalaynaa, daacadna waanu idiin nahay, midna waanu idiin nahay, ee na dhiiri geliya, xaafadaha magaaladda Hargaysi-na waa isku mid. Laba degmo oo waaweyn oo kala ah 26-ka June, iyo Gacan Libaax, oo loo malaynayay in aanu ka yaro habsaanay, waxaanu idin leenahay waanagaa degmadii Gacan Libaax, bilawnay”.

Geesta kale waxaa iyagna halkaa ka hadlay odayaasha, iyo xubno ka mid ah guddiga dib u dhiska degmadda Gacan Libaax, waxaanay soo dhaweeyeen dhagax dhiga dhismahani casriga ah ee di loogu dhisayo dhismaha cusub ee xarunta degmaddaasi.