Hibada Caqligu Way Koobantay Laakiin Guushu Waa Dadaalka!

0
43

Dadka Hamiga sare leh waa kuwo tiro yar oo kooban kuwaasi ayaana dunida wax ka bedela. Thomas Adison oo ahaa ninkii soo saaray laambada laydhka wuxuu ahaa yaraantiisii wiil yar oo suโ€™aalo badan. Thomas markii lagu daray dugsiga nasiib daro mudo badan kuma sii jirin dugsiga, Wax kasta oo loo dhigo wuu iloobi jiray sidaa daraadeed wuxuu ahaa ardayga ugu hooseeya fasalka. Macalimiinta ayaa ka quustay waxaana ay ka soo qaadeen inuu yahay qofย  yar oo aan maskax ahaan dhamayn.

Ardayda iyo macalimiintuba waxay u arkayeen saaqid.ย ย  Markii danbena maamulka dugsiga ayaa ka eryay dugsiga ka dib markii ay ku eedeeyen inu yahay mid caqli gaab ah oo u baahan dugsiyada dadka naafada caqliga qaba.

ย 

Waxa uu u tegay hooyadii isagoo ooyaya oosita warqadda maamulaha dugsigu usoo qoray. dadaalka ugu badan hooyadii ayaa u gashay oo wax bartay markii ay akhriday warqadii loo soo dhiibay waxa ku qoraa โ€œ Wiilkaagu waa damiin, waxba ma baranyo , waxaan goโ€™aansay in aad dugsiga ka erinoโ€.

Markii uu toban sano gaadhay aabihii ayaa u keenay Buug cilmiga sayniska ah oo wagaasi la dhigan jiray. Waxaana u arkay guul madaama aqoontii saynis ee la gaadhay ku qorayd.

Waxa uu samayn jiray tijaaboyin kala duwan, isagoo lacagtiisa ku iibsan jiray kolba qalabka uu u baahdo.ย  Qoyskooda oo sabool noqday awgeed wuxu goostay isagoo 12 sano jiray inuu shaqo ka dhigto jaraaโ€™idka oo uu ku iibiyo Tareenka dhexdiisa.

Ujeedada ugu weyni ee uu laha waxay ahayd inuu si fudud u helo wargeysyo uu ka akhristo hadba waxa cusub eeย  so baxa. Tareenka dhexdiisana wuxu ka samaystay shaybaadh gaar ah.

Tareenka ayaa maalin goob duqeeyay waxaana wada daatay agabkii kala duwanaa ee uu ku kaydiyay kimikada uu tijbaada ku sameeyo. Wixii maalintaasi ka danbeyayna Maamulka Tareenka ayaa ka eryay tareenka iyagoo alaabtiisana ku amray inuu ka gurto.ย  Ninkaasi waa Thomas Adson oo ah ninka ikhtiraacay ย ee curiyay laambada laydhka ee meel kasta ka ifaysay dunida maanta. Waxa uu ahaa nin Maraykan ah oo noola 1847- 1931. Waxaana uu yidhi weedha muhimka noqotay ee : โ€œHibaduย  caqligu waa 1%, laakiin 99% waxa uu qofku ka gaadha dadaalka uu la yimado.